dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato

0
641

dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha
.Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma
eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay
waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee kaalay bal dhegayso.
Dhaqane:Haddi qodobadaa xisbiyada mucaaridku soo saareen sideeda loo qaadan
waayo ,waxaa ku xigta inta boodhadh waaweyn oy ku qorantahay (ka soo bax) la
qaato in la is taago madaxtooyada horteeda.
Dhaashane:Wuxuu yidhi:Maanta shalay mood oo ha lagu dilo.Meesha adeer ma
Masar baad moodaysaa.Afrika rasaas baa indhaa la iskaga bedelaa adeer .Anagaa
runta kuu sheegaynee.
Dhaqane:Waaba nimankiina yidhi:Yufle ayaa roog cas loo dhigay
madaxweynaa.Horta Yufleba roog casi ma yaalaabaa ka horaysa?
Dhaashane:Ceerigaabo sidii loogu soo dhaweeyey ma daawatay?Ciidaa dhaqaaqday.
Dhaqane:Waxaan daawaday kiiyoo kan badhasaabka ah ee la yidhaa:(fulay) uu
qaylinayo.Uu leeyey Cirro miyeynu dooranaa.Oo dadweyniina leeyihiin (Haa).Oo
laga hoos leeyahay (bes bes).Waxa kaloon daawaday ,madaxweynii oo weli u haysta
in wasiir Zamzam tahay wasiirka tacliinta.
Dhaashane: horta ninka (fulay) lama yidhaaye (Flay) baa la yidhaa.Waxaanse ku
waydiiyey;Ma hadaa Jaamacadii Hargeisa ee ardaydu wax ka baranaysayna siyaasad
naga geliseen?Horta dalkan miyeydaan rabin mar uun inaa xukuntaan?
Dhaqane:Jaamacadaa jawaabteedi waxay ku dhamaatay(Xaamiihaa xaraamiihaa e)
waxan ku waydiiyey.Ma maqashay Madasha cusub ee lagaga dhawaaqay Hargeisa
ee la baxday(Madasha wadatashiga ee dhalinyarada).Waxaynu filanaaba waa
(Madasha wada tashiga ee haweenka).
Abwaan tuuyo wuxuu yidhi:
Ilaah baa deeq baxshee
Dulmigu kii hore ka daran
Dowladu tii hore ka daran
Dabkii caashaqa ma baxo
Rag iyo dumar la isku daran
Dhamaan waa debed wareeg.
Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden
Sweden