Dhamaystirka 150KM Kala Badh Wadada Ceerigaabo Guul Xukuumada Iyo Shacabka Somaliland Usoo Hoyatay.

0
603

Dhamaystirka 150KM Kala Badh Wadada Ceerigaabo Guul Xukuumada Iyo Shacabka Somaliland Usoo Hoyatay.

Mudo laga joogo shan sanadood waxaa laga joogaa markii Madaxweynaha JSL la wareegay Xilka qaranka ee Madaxweynimo, iyadoo Madaxweynaha loo dhaariyey Xilka 27-Jully-2010 hada waxaa laga joogaa 5 sano oo dhamaystirmay, hadama Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne siilaanyo ayaa dalka samaysay horumar aad u balaadhan oo dhankasta leh, waxaana horumarkaasi uu yididiilo geliyey inta badan shacabka Somaliland iyadoo beesha caalamkuna si weyn u amaantay horumarkaasi Somaliland ka tis qaaday.

Hadaba September 16th, 2013 markii uu Madaxweynaha Jsl dhagax dhigay mashruuca dhismaha jidka ceerigaabo oo isku xidhi doona Gobolada Togdheer iyo Sanaag, bulshada Somaliland ayaa si balaadhan usoo dhawaysay dhagax dhigaasi wuxuuna qeyb ka ahaa balan qaadkii Madaxweynaha iyo Xisbigiisa wakhtigii lagu jiray Ololaha Doorashada , riyada dhismaha jidka ceerigaabo oo ahayd oo dawlado badan ka baqeen ayuu ku dhiiraday Madaxweyne siilaanyo maalintii jidkaasi la dhagax dhigay waxay Xisbiyada mucaaridka ku dhawaaqeen inay tahay been iyo ilole dadka cod lagaga doonaayo sidoo kale waxay sheegeen inaanay suuragal ahayn in la dhiso jidkaasi hasa ahaatee mudo laga joogo 2-sano oo waxyar la,a waxaa dhaboobay oo rumoobay dhismaha jidkaasi islamarkaana waxaa hir galay oo la dhisay 150KM kala badh wadadaasi, hirgelinta dhismaha wadada ceerigaabo waxaa masuuliyadeeda dusha saartay hadh iyo habeena heegan u galay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aduunyada inta u badan maray islamarakana baadi doonay qaadhaankeeda islamarkaana hada dhamaystirka 150KM kasoo dhalaalay iyadoo amaanteeda Madaxweyne siilaanyo leeyahay hadana dedaalkeeda iyo masuuliyadeeda waxaa iska leh madaalaha Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Inta hadhayna waa hubaal inay ku dhismayso wakhti aan fogayn hadii alle qadaro, waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa Wasiirka Madaxtoyada oo amaanteeda iyo leh wadadaasi sameeyey dedaal aad u badan ka dhabeeyey siyaasadii Madaxweynaha, waxaan u arkaa nin qaranka Somaliland u qabtay hawl aad u balaadhan, waxaan hubaa inuu kartideeda leeyahay hawl intaasi kasii balaadhan, Mudane wasiir waxaad qabatay wax qarankani uu ku faani doono kumanaan sano ka dib , waxaan dadka reer sanaag kula talin lahaa inay Taalo u sameeyaan Madaxweynaha Qaranka oo leh ku dhaca iyo siyaasada jidkaasi sidoo kalena ay ku daraan Wasiir xirsi oo isna la yimi xil gudadasheedii iyo kartidii wadadaasi ku dhisantay.

FG: “ Hadii aynu gacmaha is qabsano dawladeena taageerno iska dayno dhegaysi kuwa wax matarayaasha ah ee hadalka uun ka adag waxaa biyo kama dhibcaana inaan horumar kaa kasii weyn gaadhi karno oo dunida caalamka la tartami karno” .

Qalinkii: Cali Xasan

Calixasan806@gmail.co

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here