Dhalinyaro Taabacsan Gudoomiyaha Kulmiye Oo Weerartay Odayaal Ku Sii Jeeday Madaxweyne Siilaanyo

0
650

Hargeysa( Halsan ) :- Kooxo dhalinyaro ah oo taageersan Gudoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, kuna hubaysan Budhadh, Tooriyo iyo Bastoolado ayaa maanta gelinkii dambe weerar gacan ka hadal ah ku qaaday xubno isugu jiray odayaal, siyaasiyiin, Culimaa-u-diin iyo aqoonyahano ka tirsan beesha Sacad Muuse oo ku sii jeeday Qasriga Madaxtooyada Jsl oo ay kula balansanaayeen Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kuwaas oo qaar ka mid ah nabaro kala duwan iyo dhaawacyo ka soo gaadheen weerarkaas.

 

Goob joogeyaal ku sugnaa goobtii uu ka dhacay weerarkaasi oo ahayd guri ku yaala magaalada Hargeysa oo ay xiligaas odayaashu ka ambobaxayeen ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in kooxda dhalinyarada ah ee taageersan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa labaataneeyo nin ay xoog ku galeen gurigaas, isla mar ahaantaana dagaal iyo gacan hadal judhiiba ku bilaabeen qaar ka mid ah odayaashii iyo dadkii kale ee meeshaas ku sugnaa oo ay u geysteen nabaro iyo dhaawacyo kala duwan.

Warku waxa uu intaas raaciyey in kooxdaas dhalin yarada ah ee odayaasha weerartay oo iyaga laf ahaantoodu ka soo jeeday isla beesha Sacad Muuse uu hogaaminayey nin sarkaal sare ah oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo lagu magacaabo Gaashaanle dhexe Maxamed Sheekh XujaaleWarku waxa uu intaas raaciyey in kooxdaas dhalin yarada ah ee odayaasha weerartay oo iyaga laf ahaantoodu ka soo jeeday isla beesha Sacad Muuse uu hogaaminayey nin sarkaal sare ah oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland oo lagu magacaabo Gaashaanle dhexe Maxamed Sheekh Xujaale, kaas oo ah nin ay ilmaadeer labaad yihiin Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, isla mar ahaantaana xidhiidh aad u dhow la leh, oo si weyn u taageersan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Waxaana la sheegay in ninkaas sarkaalka ah iyo kooxda dhalinyarada ah ee weerarka ku wehelinaysay ujeedadoodu ahayd sidii ay uga hortegi lahaayeen kulan galabta Qasriga Madaxtooyada ku dhex mari lahaa odayaasha Sacad Muuse ee la weeraray iyo Madaxweyne Siilaanyo. Kulankaas oo la sheegay in odayaashu Madaxweynaha kagala hadli lahaayeen arimo la xidhiidha in loo cadaalad sameeyo oo ay xisbigooda dhexdiisa ku tartamaan siyaasiyiinta hanka Madaxweynimada leh ee ka soo wada jeeda Beesha Sacad Muuse, kana wada tirsan xisbiga Kulmiye, si aanu tartankoodu u wiiqin midnimada iyo wadajirka beeshooda iyo guud ahaanba hanaanka dimoquraadiyadeed ee Somaliland qaadatay, xisbiga Kulmiyena ku caano maalay.

Hase ahaatee waxaa la sheegay inuu arintaas ay odayaashu wateen ka cadhooday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo isagu diidan in lagula tartamo Murashaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo dhowaan lagu dooran doono shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo loo mudeeyey inuu qabsoomo bisha Novembar ee soo socta, taasina ay keento inuu soo abaabulo kooxdan dhalinyarada ee weerarka soo qaaday.

Ma aha markii u horeysay ee kooxo taageersan Muuse Biixi ay weeraraan odayaal iyo siyaasiyiin isaga ka fikir duwan, balse waxaa jirtey sannadkii 2014-kii oo ahayd xiligii uu socday hirdankii loogu jirey Gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye ee u dhexeeyey Cabdicasiis Samaale iyo Muuse Biixi in Salaadiin iyo Madax dhaqameedyo ka tirsan beesha Sacad Muuse oo taageersan Cabdicasiis Samaale ay sidan oo kale Hotelka Maansoor ku weerareen koox dhalinyaro ah oo Muuse Biixi taageersani, kuwaas oo dhaawac aad u culus gaadhsiiyey Suldaanka Beesha Yeesif oo ka tirsan beelaha Sacad Muuse, dhaawacaas oo sababay in Suldaanka loo qaado Dhakhtar dibadeed oo lagu soo daweeyo. Sidoo kalena sanadkii 2012-kii ayay koox dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beesha Muuse Biixi waxa ay isla Hotelka Maansoor ku weerareen siyaasiyiin kala duwan oo u ololaynayey furida ururadii siyaasada xiligaas, kuwaas uu shir arintaas ku saabsani halkaas uga socdey.