Dhacdo Naxdin leh oo ka dhacday Daanta Galbeed iyada oo ay Yuhuudu Ku Gubay Ilmo Yar Oo Falastiini Ah

0
640

Hargeysa(Halsan) :- Ilmo yar oo 18-bilood jiray oo Falastiini ah ayaa lagu dilay weerar dab ah oo looga shakinsan yahay in ay ka dambeeyeen yuhuuda dagan daanta galbeed.

Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaddib markii bam lagu tuuray gurigooda, oo ku yaala meel u dhow magaalada Nablus.

 

Dowladda Isra’iil ayaa arrintan ku tilmaamtay ficil argagaxiso oo waxashnima ah.

Dadka weerarka geystay, oo la aamin san yahay in ay yihiin yuhuuda degan daanta galbeed, ayaa ugu yaraan waxa ay ku gameen bam guriga oo ku yaalay afka hore ee tuulada Duma.

Waxa ayna darbiga guriga ku qoreen ereyga “aargoosasho” oo luuqada Hebrew-ga ah.

Ururka PLO ee Falastiin ayaa sheegaya in masuuliyada weerarkan ay leeyihiin dowladda Mr Natanyahu, iyaga oo ku doodaya in aysan waxba ka qaban dadka sharci darada ku dagaya dhulka Falastiiniyiinta.

Weerarka ayaa imaanaya iyada oo ay isa soo tareyso xiisada ka dhex taagan kooxaha mintidka ee Isra’iil iyo dowladda Natanyahu, oo iyaga laftooda ku kala qeybsan misaanka iyo baaxada ay leeyihiin dadka la dajinayo dhismayaasha cusub ee daanta galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here