DEG DEG:Saylici oo goob fagaare ah kaga dhawaaqay in uu is casilayo & Siilaanyo oo godkiisa biyo ugu galeen + xaalad taagan

0
838

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo dhuun-daloola madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa Wakaaladda Mucaaradnews.com u sheegay in madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) uu habeenkii xalay ahayd gudaha madaxtooyada Somaliland kaga dhawaaqay in uu is-casilayo kadib markii Mr. Saylici uu damcay in uu kulan la qaato madaxweyne Siilaanyo si uu ugula hadlo xaaladaha adag ee maamulka Somaliland ku sugan oo xiligaasi la sheegay in uu hurday madaxweynuhu.

C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa uu goobtaasi kula kulmay xaaska madaxweynaha maamulka Somaliland Aamina Waris Jirde oo la sheegay xiligaasi in ay garab taagnaayeen wasiiradda maaliyadda Somaliland Sam Sam Cabdi Aadan iyo taliyaha ciidanka Police oo la farayey xiligaasi in uu xabsiga dhigo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen iyo gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro iyo weliba sidoo kale madax ka tirsan labadaasi xisbi.

C/raxmaan Saylici ayaa la sheegay markii uu maqlay xadhiga madaxdaasi in uu cod dheer ku yidhi sidani “Idinku ma dalka ayaad maamushaan mee madaxweyihii aanu xaalada dalka ka wada hadalnee”.

“Hadii aan la hayn madaxweynihii la Ila doortay meeshan waxba ma yaalan ee amaanada shacabkii i doortay waan uu celinayaa oo saacadaas laga bilaabo waan is casilayaa” sidaasi waxaa yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa markii uu intaasi ka yidhi goobtaasi waxa uu si deg deg ah isla markiiba u fuulay gaadhigiisa, isagoona si toos ah u abaaray gurigiisa.

Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Wakaaladda Mucaaradnews.com ayaa yidhi falkaasi kadib sidani”Weedhihii madaxweyne ku xigeenka ayey wasiiradda maaliyaddu isku day-day in ay dajiso xaalada madaxweyne ku xigeenka taasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku kaga dareen celiyey inuu faro gor-gor uu qabsaday wasiiradda maaliyadda, waxaana intaasi kadib dhawaaq kale kasoo bixin Aamina Waris oo iyaduu sii wadatay amarkeedii ahaa in xabsiga la dhigo labada musharax ee xisbiyada mucaaridka ah oo taliye Fadal iyada ayuu si weyn uu qadarinayey”.

Dhinaca kale waxaana wararku intaasi kusii ay darayaan in muddo saacad ah kadib uu goobtaasi soo gaadhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay in uu si gaar ah ula faqay Aamina Waris iyo wasiiradda maaliyada Somaliland Sam Sam Cabdi Aadan, waxaana ay Aamina Waris fartay Muuse Biixi in jawaabo kuluul ay warbaahinta u mariyaan isaga iyo wasiir Cukuse xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaan weli la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay tan iyo markii ay bilaabmeen loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo maamulka Siilaanyo, waxaana shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Somaliland ay inta badan walaac xoogan ka muujinayaan in xaaladaha Somaliland ay isku rogaan dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha Somaliland

XIGASHO: MUCAARADNEWS.COM