DEG DEG:Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid oo weerar afka ah ku qaaday Hay’ada Sirdoonka Qaranka

0
679

Muqdisho( Halsan ):-Ra’iisulwasaaraha  Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa weerar afka ah ku qaaday Hay’ada sirdoonka Qaranka ee dalkaasi somaliya  markii uu si weyn u dhaliilay waxqabadkooda.

Ra’iisulwasaare Cumar C/rashidi Cali Sharmaake wuxuu ku eedeeyay Hay’ada sirdoonka ee dalkiisa inay ka gaabisay shaqadii loo igdmaday ,madaama wali iska socdaan weerarada alshabaab ka gaystaan Magaalada Muqdisho.

“dhibaatada ugu weyn ee dhanka Amniga naga heysata waxaa sirdoonkeena oo ku fashilmay inay sii ogaadaan weerarada alshabaab soo qorsheeyaan si looga hortago”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha dalkaasi Soomaaliya.

Dowladiisa ayuu sheegay in looga baahan yahay sidii ay u qaadi lahayd talaabo wax looga qabto fashilkka sooo wajahay sirdoonka dawladiisa Soomaaliya.

“waxaa laga rabaa inay sii ogaadaan weerarada ay maleegayaan kooxaha alshabaab si looga hortago taasna way awoodi waayeen”ayuu yiri Ra’iisulwasare Cumar C/rashiid mar uu warqad u direy Hay’ada Qaramada Midoobe.

Ciidamada Dowlada wuuxuu ku amaanay inay jawaab dedgdeg ah ka bixiyaan kooxda alshabaab mararka ay weerarka naf hurnimada ah ku qabsadaan mid ah ah xarumaha Dowlada ama hoteelada.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay guud ahaan Hay’adaha amaanka dalkaasi Soomaaliya habacsanaanta ka muuqata ayuu sheegay inay sabab u tahay agab iyo mushaar la’aan.