Deg-deg :Raysal Wasaarihii Ethiopia Hailemariam Desalegn oo iscasilay
Addis Ababa (Halsan): – Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya soona gaadhaya Xafiiska Warqabadka Shabakada Wararka ee Wajaalenews ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii uu hayay iska casilay ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.
Iscasilaada ra’iisal waaaraha ayaa imaneysa iyadoo dalka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon ay wadaan Qowmiyada Oromada.
“… Waxaan u arkaa iscasiladayda inay tahay arrin muhiim ah oo ku saabsan codsigii si loo sameeyo dib-u-habeyn lagu sameeyn lahaa nabad waarta iyo dimuqraadiyad,” ayuu yiri.
Hailemariam ayaa sheegay in uu sii joogi doono ra’iisal wasaaraha si uu u sii wato awoodda xannibaadda illaa iyo inta uu xukunka haya ee EPRDF iyo baarlamaanka waddanka uu aqbalay iscasilaadiisa, isla markaana magacaabi doona hogaamiye cusub.