Berbera(Halsan):- Wariye Maxamed Cabdilaahi Soofadhiste oo Habeenkii xalay lagu xidhay Salidhiga Dekadda Magaalada Berbera ayaa maanta loo gudbiyey salidhigga dhexe Berbera halkaas oo wariyaha lagu xidhay qol suuli ah oo cid aan loo ogalayn in ay u tagto ama cunto u gayso sidii qof dhiig galay oo maadhar ah taasina waxay sababtay in weriyahaasi cuntada ka soomo oo aan waxba cunin ilaa xalay
Haddaba arrinta weriye soofadhiste ayaa noqonaysa mid ugub ku ah Somaliland in sidaas oo kale loola dhaqmo Wariye Gudanaaya Waajibkiisa shaqo wax dendi ahna aan lagu haysan
Dhinaca kalena Arintan ayaa waxay ka hor iminaysaa sharciga saxaafadda Somaliland iyo kan caalamiga iyo Xuquuqal insaanka.
Wixii war ah soo kordha waan idinla soo socodsiinana