Dawladda UK Oo Baadhaysa Shirkad Somalia Ka Shaqaysa

0
607

Hargeysa(Halsan) :- Xafiiska baadhitaanada culus ee khiyaamooyinka lacagaha ee Dalka Britain, ayaa baadhaya Eedaymo musuqmaasuq oo loo haysto shirkad shidaal oo British ah oo ka shaqaysa Soomaaliya .
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Shirkadda la dacweynayo oo magaceedu yahay Soma Oil and Gas, ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hogaamiyihii hore ee xisbiga Conservative-ka ee xukunka haya.
Shirkada ayaa sheegtay inay mar walba sharciga ku dhaqmaysay islamarkaana ay la shaqayn doonto baadhayaasha.
Xafiiska baadhitaanada qoraal ay ku soo saareen bartooda internetka ayay ku waydiisteen in dadka wax ka og arrintan ay la soo xidhiidhaan.
Sanadkii hore baadhayaasha Qaramada Midoobay ayaa ka muujiyay walaac in heshiiska Soma oil aan la shaacin.