“DAWLADAYDA MAGA-XUMO DULMIGEEDU BADANAA”! Cali-guray

0
680

Waxa yaab ah kuwa la hal maala DEMJADIID oo Xidigaha Geeska ku eedaynaya Muqdisho iyo calanka Somalia iyaga oo Madaxwaynaha Somalia fashiliyay xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadiisa iyo xukuumadda Somaliland rejo fiicanna ugu bishaareeyay Soomaalida Somalia. Mudane Xasan Sheekh been maaha hadalkiisu marka laga eego dhinaca kooxda ugu awooda badan xukuumadda Madaxwayne Silanyo oo la odhan karo waxay la hal maalaan DEMJADIIDA. Xukuumadan maga xumo ceeb kama dikhooto fashilkeedana waxay isku daydaa inay ku daboosho xaalad abuur ay uga gol leedahay inay ku jeediso indhaha dadka oy kaga jeediso xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland. Xadhiga hogaamiye dhaqameedka, suxufiyiinta iyo weliba xadhigan fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa dhamaantood ah tacadiyo ka dhan ah xuquuqaha asaadiga ee muwaadinka uu dastuurka Somaliland u damaanad qaaday.

Hadii sida ay wax u dhigayso xukuumaddu ay dembi noqon lahayd aragtida ka dhanka ah Gooni-isu-taaga Somaliland waxa yaab ah kuwii iyaga lagu xidh xidhi lahaa ayaa iyagi wax ku xidh xidhaya. Waxa ka mid ah kan xalaalaynayay xadhiga fanaaniinta oo isagu shalay Muqdisho ka soo noqday ee Wasiir ku xigeenka Axmed Silanyo ka dhigay. Waxa ka mid ah dhamaan inta la hal maasha DEMJADIID ee xukuumadda Somaliland ugu awooda badan ee kor ilaa hoos isku taxay.

Geedka Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed waa geed xidid kiisu ku jiitay Somaliland oon cidina goyn karin soomaali oo dhamina ay midhihiisa wadaagto. Xidigaha Geeskuna waxay u taagan yihiin maanta kaalintii WALAALO HARGEYSA oo ilaa maanta ay nool yihiin ragii ka tirsanaa qaar ka mid ihi sida Saxardiid Maxamed. WALAALO HARGEYSA waxay ku caan baxeen BELWADA oo ah ilaa lixdaneeyo heesood oo marka laga eego dhinaca Badaha Suugaanta noqonaya BADDA DHAANTADA. Lixdaneeyada heesood ee Beleadu dhinaca murtida,xikmadda iyo xataa luuqda oo ah ta magcyada kula baxeenba waa suugaan qani ah oy ugu qalmaan ama ku yihiinba(SOMALI CLASSIC) marka heesaha Soomaalida laga hadlayo.Kuwa ugu caansan BELWADA waxa ka mid ah; RAAXEEYE,CIIL,NUGUL,KAAR,LAAC,CARWO,MADIIX, ISKU-SHUBAN, BANAADIRI, RAKAAD,MADIIX,IYO CARWO

Hadaba, Fanka iyo Suugaantu waa wax ay Somaliland dheer tahay soonaalida kale oo loo baahan yahay in ay ilaashato oy ku faanto. Heesaha ugu caansan heesaha ka bixi jiray idaacadaha Radio Somali iyo Radio Muqdisho 80% ugu yaraan waxa curiyay hal abuuro ka soo jeeday Somaliland kuwa loo tiriyay calanka Somalia ee maanta xadhiga ahna 100% iyaga ayaa curiyay hal hees oo Soomaalida kale ay midnimadii lixdankii ka tirisayna ma jirto.

Waxa la leeyahay fanaaniinta la xidh xidhay waxay ahaayeen shaqaale dawladeed waxan ka qabaa waxa uu ka qabo Xeerka Shaqaalaha Dawladdu. Si kastaba xaalku ha noqdo eh anigu ma daafacayo cid dembiile ah keliya waxan leeyahay Fanaaniinta Xidigaha Geesku cadaalad ha helaan xaqna way u leeyihiin