DAWLADAHA SOMALILAND IYO ITOOBIYA OO ADDIS-ABABA KU LAFO-GURAYA HIRGELINTA BARNAAMIJKII BERBERA CORRI-DOOR

0
653

Hargeysa (Halsan):- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shalay  socdaal shaqo ugu ambo-baxay dalka Itoobiya oo uu sheegay in isaga iyo Wasiirka Khaarajigu ay la balansan yihiin inay kulamo lagaga wada hadlayo mashruuca Berbera Corri-dooray  kula yeeshaan Addis-ababa Wasiirro ka tirsan dawladda Itoobiya.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo intii aanu dalka ka  dhoofin  warbaahinta kula hadlay madaarka caasimadda Hargeysa,  ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey ujeedada safarkiisa.  “Waxaan Maanta (shalay)  u baxayaa safar kooban oo aan ku tagayo Addis ababa waxa  igaga horeeya Wasiirkii Arrimaha dibada, balan ayaanu halkaas ku leenahay taas oo aanu la leenahay Wasiirro ka mid ah dawlada Itoobiya  sida Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka hawlaha guud iyo waddooyinka, wasiirradaas waxaanu kala hadli doonaa barnaamijkii wadada Berbera Corri-door,  taas oo shirarkeedu muddo dheer socdeen, shirkaas ayaanan  halkaas kaga qayb galayaa dhakhsana waan u soo noqonayaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

 

Wasiir Xirsi oo ka hadlayay xaaladda Buuhoodle Iyo socdaalka Wasiirka Caafimaadku ku Joogo, waxa uu yidhi  “Deegaanka Buuhoodle waa deegaan Somaliland maantana waxa ku sugan Wasiirka Caafimaadka, waxaanan aad ugu hambalyeynayaa waanay jiraan hirdanka siyaasada ee inoo dhaxeeya gobollada innagu xeersan ee ay ka mid tahay Soomaaliya,  laakiin cidi iskuma hayso xuduuda Somaliland waxanaan mar walba aaminsan nahay inay Buuhoodle dalkayagii iyo dadkayagii tahay, wixii kale ee deel -qaaf ah ee lala yimaado ee hub iyo rasaas ah iyo abaabul ah waanu  ka soo horjeednaa,  waanan ka digaynaa waxaanan leenahay ummada nabadeeda ha loo daayo.”

Geesta kalena waxa Wasiirku  uu jawaabo ka bixiyay dhawr su’aalood oo shalay Weriyeyaal kala duwani waydiiyeen. Waxaana ka mid ahayd maxaad kaga jawaabaysaa eedo uu kuu soo jeediyo Boqor Buur-madow iyo hirdan siyaasadeed oo la sheego inuu idinka dhexeeyo Wasiirka Duulista iyo waliba tibaaxo sheegaya inaad madaxweynenimo doonayso mustaqbalka, waxaanu yidhi   “Boqorku waxa uu ka mid yahay boqorrada Somaliland,  laakiin marka ay timaado siyaasad,  siyaasadda waxaynu u  samaysanay xisbiyo ee reero umaynaan samaysan,  reerana waa wixii aynu ka guurnay, Kursiga madaxweynuhuna maaha kursi banaan oo Somaliland ka dhaxeeya balse madaxweynahayaga ayaa ku fadhiya isaga ayaanan kula shaqeeyaa oo aan ku dhisayaa.

Mustaqbalkana haddii ay timaado  siyaasadda maxaad yeeli doontaa maalintaas iyo warkeeda, haddii ay noqoto han ma leedahay, maalintaas iyo warkeeda aan gaadhno wixii joogana waynu u wada taagnaan, laakiin haddii ay noqoto inaan damac yeesho marka aan la tashado dadkayga ee ay ku qancaan dadka wixii aanu tallo wadaagnaa  laakiin maanta lama joogo. Wasiirka Duulistana isma Hayno oo Waa Wasiir Saaxiibkay ah.”

 

“Nin kaanbayn guryo ku dhuunta ma ihi  haddii aan olole  gelayana waan caddeeyaa,  markaan kaanbaynka galana Sanqadhaydu  aad ayey u weyn tahay oo  ma ihi dadka Sanqadhoodu hoosayso ama saamayntoodu yar tahay,”ayuu ku dooday Wasiirka Madaxtooyaddu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here