Dawlada Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Maanta Ka Dhacay Magaalada Laascanood
Magaalada laascanood ayaa saaka aroortii hore waxaa ka qarxay dagaal udhexeeya ciidamada qaarnka jsl iyo kooxo maleeshiyaadka deegaanka ah kaasi oo sobobay khasaare kala duwan.
Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland ayaa warsaxafadeed uu saaray kaga hadlay dagaalka saaka ka dhacay laascanood isagoo sheegay in kooxaha maleeshiyaadka deegaanka soo weerareen fadhiisimada ciidanka qaranka ee duleedka magaalada laascanood.
WAR-SAAFADEED
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaadho colaada Magaalada Laascaanood.
Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.