Dawlada Sacuudiga Oo Xabsiga Dhigtay Boqolaal Qof Oo ay ku Jiraan Ajaaniib

0
236

Dawlada Sacuudiga Oo Xabsiga Dhigtay Boqolaal Qof Oo ay ku Jiraan Ajaaniib

 

Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay inay qabteen illaa 30 tan oo qaad ah bishan Disembar oo kaliya ka hor inta aan laga soo gudbin xuduudka koonfureed ee Yemen iyo xudduudda waqooyi ee Urdun.

Wakaaladda wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa afhayeenka ilaalada xudduudaha Sacuudiga, Korneel Misfer Al-Qurayni, ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha ee gobollada Najran, ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in dalkaasi lagu soo galiyo 29.2 tan oo qaad ah.

Al-Qurayni ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 361 eedaysane oo qaadkaasi waday kuwaasi oo ay ku jiraan 23 Sucuudi u dhashay, 261 Yemeniyiin ah ah iyo 70 Itoobiyaan ah.

Sacuudiga ayaa waxaa mamnuuc ka ah isticmaalka iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan oo uu ku jiro Qaadka.

Dadka la qabto iyagoo gelinaya gudaha dalkaas, Qaad iyo mukhaadaraad kale ayaa la kulmo xukuno iyo ciqaab adag oo ay ku jiraan daldalaad iyo xabsiyo dhaadheer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here