Dawlada Markaykanka Oo Duqaymo Cusub La Beeg Saday Al-Shabaab

0
741

Dawlada Markaykanka Oo Duqaymo Cusub La Beeg Saday Al-Shabaab

 

Soomaaliya(Halsan):- Iyadoo Ciidammada Cirka ee Mareykanku joogteeyeen weerarrada dhinaca Cirka ah ee lagu beegsanayo Saldhigyada Al-Shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu soo warramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaadhaan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya ama ka qaxaya Duqeynta Diyaaradaha Mareykanku ku bartilmaameedsanayaan. Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ee Al-SHabaab oo fadhiisimmo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya. Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaanay xuseen in ay ka hortagi doonaan is-abaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug. Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya. Meellaha ugu darran ee Diyaaradaha Mareykanku Duqeynta la beegsanayaan, ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.