Dawlada Mareykanka Oo Sheegtay In Kuuriyada Waqooyi Ay Hub Siisay Koox Calooshood Uu Shaqeystayaal Ruush ah

0
164

Dawlada Mareykanka Oo Sheegtay In Kuuriyada Waqooyi Ay Hub Siisay Koox Calooshood Uu Shaqeystayaal Ruush ah

Mareykanka ayaa si weyn u dhaleeceeyay gantaallo uu sheegay in ay Kuuriyada Waqooyi ku wareejisay koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Ruushka ee ka dagalaamaya Ukraine. Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in hadalka Mareykanka uu yahay mid macquul ah oo aan la yareysan karin.

Waxa la sheegay in kooxdan calooshod u shaqeyste yaasha ah ay bil kasta ku kharash gareeyaan dagaalka Ukraine in ka badan $100 milyan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in shixnaddan ay jabisay go’aannada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna ku dhawaaqi doonaan cunaqabatayn dheeri ah oo lagu soo rogi doono Wagner.
Dagaalyahanada ka tirsan kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah eek u sugan gudaha Ukraine ayaa gaaraya 1,000 ilaa 20,000, sida ay sheegtay dowladda UK.

Kooxdan ayaa sidoo kale dhawaanahan ka howlgalaysay dalka Suuriya iyo dalalka Afrika, waxaana marar badan lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Wagner waxa ay aduunka oo dhan ka baadi goobaysaa shirkado hub keena si ay u taageeraan hawlgalada milatari ee ay ka wadaan Ukraine,” ayuu afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby u sheegay saxafiyiinta.

“Waxaan xaqiijin karnaa in Kuuriyada Waqooyi ay dhamaystirtay hubkii ugu horeeyay ee ay geysay Wagner, taasoo bixisay kharashka hubkaas,” ayuu yiri.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ay Kuuriyada Waqooyi kala wareegeen gantaallada ay adeegsadaan ciidamada lugta iyo gantaalla kale.

Mr Kirby ayaa sheegay in Wagner ay bil kasta ku kharash gareeyso Ukraine in ka badan $100 milyan oo doolar.

Waxa uu intaasi ku daray in kooxdaasi ay haatan la loolamayaan ciidamada Ruushka ee awooda ku leh dalkaasi.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK James Cleverly ayaa sheegay in Britain ay ku raacday qiimeynta Washington.

“Xaqiiqda ah in madaxweyne (Vladimir) Putin uu u weecanayo Kuuriyada Waqooyi si ay u caawiso waxay calaamad u tahay quusashada Ruushka iyo go’doominta uu wajahayo,” ayuu Mr Cleverly ku yiri hadal uu soo saaray.

Laakiin milkiilaha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa beeniyey sheegashadaas, wuxuuna ku tilmaamay “xan iyo mala-awaal”, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ay ku tilmaantay wararkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner waxay kamid tahay shirkadaha qarsoodiga ah ee laga leeyahay Ruushka, ma ahan shirkado si rasmi ah u jiro- jiritaankooda wuxuu sharci darro ku yahay xeerarka Ruushka iyo caalamkaba, waxaa la rumeysan yahay in dagaalyahanada kooxdan ay gaarayaan 10,000, waxay toddobadii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayeen Wagner oo qanddaraas la gashay dagaalyahanadaas.

Shirkadda Wagner waxay wajaheysaa eedeymo soo noq noqday oo ku aadan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal ay ka geysteen dalalka Suuriya iyo Liibiya.

Maxaytahay Wagner? Rag horay ugu soo dagaallamay ayaa ka hadlay

Si rasmi ah marka loo fiirinayo, ma aha koox jirta – in loo shaqeeyo qaab calool u shaqeysi ah waxay kasoo hor jeeddaa sharciga Ruushka iyo midka caalamiga ah.

Laakiin ilaa 10,000 oo dadka howlgallada noocaas ah fuliya ayaa la aaminsan yahay in ay ugu yaraan hal mar qandaraas la galeen kooxda Wagner toddabadii sano ee lasoo dhaafay gudaheeda.

Markii ugu horreysay magaca Wagner waxaa la maqlay 2014-kii, xilligaasoo ay ka dagaallamayeen bariga Ukraine.

Qiyaastii 1,000 nin oo ka tirsan Wagner ayaa la rumeysan yahay in ay ka bar bar dagaallameen Janaraal Khalifa Hafter oo ku sugnaa Liibiya intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2020.

BBC-da laanteeda Ruushka ayaa mid ka mid ah raggii horay ugu soo dagaallamay kooxdan weydiisay waxa ay tahay Wagner. Wuxuu ku jawaabay: “Waa garab loogu talagalay in ay fuliyaan danaha ay dowladda ka leedahay xuduudaha ka baxsan waddankeenna.”

Wuxuu sheegay in arrintaas la weydiin karo dadkii usoo dagaallamay Wagner oo “qaarkood ahaayeen khabiirro dagaal”, iyo dad shaqo doon ahaa ama kuwo jeclaa inay dalkooda u adeegaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here