Dawlada Mareykanka oo shaaciyay inay duqeyn xagga cirka ah ku dileen 150 dagaalyahanada Al-Shabaab ka tirsan Gudaha Somalia

0
651

Mareykanka ayaa fuliyay weerar xagga cirka ah oo ay la beegsadeen axadii xero ay ku tababaranayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku taal duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaasi lagu dilay in ka badan 150 maliishiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Diyaaraddaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka ayaa beegsaday xerada tababarka “Raso” oo dhinaca waqooyi ka xigta 195 km magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka Pentagon Captain Jeff Davis.
“Waxaan ogeyn inay xerada uu ka socday diyaarinta weerar weyn oo halis dhan ah Mareykanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya”ayuu yidhi Captain Jeff Davis.

“Qiimeynta horu dhaca ah waxay sheegeysaa in ka badan 150 oo argagixiso ah lagu dilay weerarkaas”ayuu sii raaciyay afheyeenka Pentagonka isagoo sheegay in mudo todobaad ah ay ku qaadatay sahanka xeradaasi ciidan ee tababarka lagu siinayay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Guud ahaan waxaa la baab’iyay xeradaasi iyo intii ku jirtayba sida uu afhayeenku sheegay, taasoo uu ku tilmaamay guul laga gaadhay sahankii iyo ujeedadii laga lahaa in la baabi’iyo argagixisada.

Al Shabaab ayaa waxay ka danbeysay weeraro argagixiso oo ka dhacay dalalka Ugandha, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, iyadoo inta badan ay weerarada xooggan ka geystaan Muqdisho iyo Kenya.