Dawlada Maraykanka oo Ka Hadashay Gantaal Lagu Riday Sucuudiga

0
679

Dawlada Maraykanka oo Ka Hadashay Gantaal Lagu Riday Sucuudiga

 

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in gantaaladii ay Xuutiyiinta ku soo rideen Sacuudiga ay ahaayeen gantaalo ay bixisay Dowladda Iiraan.

Meletariga Sacuudiga ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen oo ay soo rideen gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta.

Gantaalkan ayay Xuutiyiinta sheegeen in ay la bartilmaameedsanayeen dhismo ay boqortooyada leedahay oo shir uu ka socday.

Telefishen Xuutiyiinta taageersan ayaa sheegay in gantaalka la yiraahdo Burkan H2 lagu waday shir ka socday xarunta Alyamama ee caasimada Riyadh.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen qarax. sawiro internetka lasoo galiyayna waxay muujinayaan qiiq cirka ka muuqday.

Isabahaysiga Sacuudida waxay Dowladda Iiraan ku eedeeyeen inay Xuutiyiinta siiyeen gantaalahan.

Balse Dowlada Iiraan ayaa iska fogaysay eedahaasi iyo inay hubaysay jabhada Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in weeraradan ay qaadeen ay uga aargoosanayaan dambiyada uu Maraykanka ka gaysanayo dalka Yemen.

Warbaahin taageerta Xuutiyiinta ayaa sheegay in gantaalkaasi Riyadh lagu riday lagu bartilmaameedsanayay shir uu gudoominayay Boqor Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here