Dawlada Maraykanka Oo Ciidamadiisa Kala Baxaya Dalka Suuriya
In ka badan 400 oo ka mid ah ciidamada Maariiniska Mareykanka ayaa ka soo baxaya dalka Suuriya ka dib markii ay gacan ka gaysteen duulaankii kooxda IS looga qabsaday magaalada Raqqa. Ciidamadan Mareykanka ayaa halkaasi loo daad gureeyay bishii March si ay gacan u siiyaan Kurdiyiinta iyo dagaalyahanada carabta ah ee la dagaalamayay kooxda IS. Xoogaga dimuqraadiyada Suuriya ee (SDF) ayaa bishii aanu soo dhaafnay waxa ay ku dhawaaqeen in ay ku guulaysteen dagaalkii magaalada Raqqa. Isbahaysiga Mareykanka uu hogaamiyo ayaa ka soo saarida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Suuriya waxa ay ku tilmaamee calaamad muujinaysa horumar. Ciidamada Mareykanka ee ku Kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa laga saaray inta badan dhulkii ay haysteen ee dalalka Suuriya iyo Ciraq.
Source:-BBcsomali ShareThis |