Yaa Dar ilaahay u caawinaya Inan yar iyo hooyadeed oo xanuunsanaya kuwaas oo xanuunka ku dhacayna yahay mid ilaahay dawo u hayo, labadooduba waxay curyaan ka yihiin dhamaan xubnaha jidhka oo dhan , cagaha, gacmaha iyo dhabarka, waxayna ka dhasheen qoys danyar ah, Aabaha reerkani waa bilaa camal waxaana u shaqayn jirtay hooyadood oo imika mudo laba sano ah xanuusanaysa
Hadaba waxa laga codsanayaa dhamaan dadka muslimiinta ah ee ilaahay hantida iyo caafimaadkaba siiyey inay soo caawiyaan qoyskan danyarta ah iyo hooyadan iyo inantan yar ee dhashay ee xanuunka u jiifa, waxaynu ku guda jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, sadaqadatuna ay muhiimad gaar ah leedahay hadaba cidii caawinaysaa ha kala soo xidhiidho
Tell:-002522-63 4768208
Magaca Hooyadu waa Aamin Ibraahin
Daahir
Magaca Inanta yarina Waa Khadra Axmed Iidaan