Soomaaliya halbeega lagu sargooyo laguna cabiro qaybsiga mansabyada
dawladeed wuxuu ku salaysan yahay nidaam qabiil sidaas ayuuna ahaa
ilaa iyo calan taagii 1960 waxaana awooda dawladeed oo dhami ku soo
ururtaa 3 ilaa 4 qabiil oo iyagu is bida inay inta kale ka badan
yihiin kana awood weyn yihiin inta kale waxaana laga soo dheegtay
nidaamkii xoolo raacatada ee laandheerimadu hagaysay, kii ayuunbaa
dawladnimadii cusbaydna lagu sar gooyey xataa laandheeranimadu
hadhimayso ee waxay u sii dhaadhacaysii ilaa gunta hoose sidii dadkii
kale loo dulmay ee faraha madhan loogu tiriyey ayuunbaa laysugu sii
tun sheegtaa oo kii laga tirada badnaa cagta hoosteeda loo gelinayaa
weliba waxaa intaas u raacda waxaa madaxa loo geliyey oo lagu
foorariyey digsi madaw iyadoo lagu sanduleeyey inuu digsiga madaw ee
uu dheeftiisa ka qatan yahay dhibkiisa tuurta sito oo sidii macatabkii
gaaladu qoorta sudhan jirtay u caabudayo oo inta kale ugu tar sheegto
isagoo dulmane ah oo geeliisii lagu hor maaliyo ayuu hadana ku qasban
yahay inuu xiiqsanaado oo gar iyo gardaba magacaas baas ee tolka ee
lagu suntay u dhinac istaago oon agtiisa lagu soo qaadi karin
waxaa dadkii loo garbaduubay nidaam faasida oo aan meel ku dhamaado
lahayn oo qof walba meel lagaga tegayo laguna reebayo hal booliyi
nirig xalaal ah ma dhashee dulmigii lugu balaysimay dawladnimadii
cusbayd ayaa sidii fulkaanaha u dilldilaacay oo geed kasta gaadhay,
baarqabadii geela lagu daray ee lagu soo xulay hanaankaa faasidka ee
laandheeranida waxay noqdeen isma dhaanto iyo dhasheed aan mar keliya
wax lagu farxo la imanayn, dantooda iyo sidaad xukunka u sii haysataa
mooyiye aan wax kale oo talo ah hayn oo waqtigooda uun lumiyey sidii
ay dadka u kala qabin lahaayeen una xukumi lahaayeen waxaa dadkii lagu
muday irbad suuxiso ah oo ka ilaalinaysa in sida wax u dhacayaan ku
toosaan oo wax dareen ah oo dhaafsiisan tan lagu sanduleeyey la
yimaadaan, xataa qofkii lagu arko inuu ku jiro damiir iyo damqasho
diidana inuu qudhunkooda la walaaqdo waa la takooray waxaana laga
dhigay tuke baalcad aant talo la wadiin oo gegi cidlo ah lagaga
dhaqaaqo aakhirkiina waxaa dilaacay dulmigii wuxuuna soo rogay webi
dhiig ah oo laga wada haqab beelay qof kastaana dhitadiisii dhamay
wuxuu ahaa abwaan qaasim kii lahaa isma doorin gaalkaan diriyo daarta
kii galaye dusha midabka soomaali baad dukulka moodaaye hadana laguma
dirsade qalbigu waa dirkii karale
sidaas ayaana nidaamkii xaaraanta ahaa ku burburay oo qurub iyo qurub
u qaysamay waxaa la dhamay dhitadii nidaamka qabyaalada abwaan
timacadee wuxuu u ka digayey uun baa dhacay WUXUU YIDHI JEEROO LA NOQO
QABYAAL,ADA IYO QAADKAN LAGU WAASHAY QABYO WEEYE SOOMAALIYEEY
QIIRADAADANI
sidaas ayaa lagu xabaalay qarankii soomaaliyeed ee rajada laga qabay
iyadoo xaaskiisiina laga wada qayb galay oo tacsidii iyo baroortiina
lagu soo gunaanaday maxaa ka danbeeyey
Nasiib darada jirtaa dadka kale ee caalamku taariikhda wax bay ka
bartaan godkii mar lagu qaniina way ka digtoonaadan in mar labaad laga
qaniino inaguse waxma inooma kordhaan gabalkii dhaca iyo waagii barya
halkii uunbaynu taaganayn mar labaad ayeynu isku daynay inaynu
caalamka ku dayano oo dhinac ka raacno waxna wada lahaano muwaaqifo
iyo maamul tolmoona dhisano nasiib daro halkii uun baa laga miisay
taasoo noqotay ka daroo dibi dhal somaliland oo maamul gaara
samaysatay sanadkii 1991 ka dib mar shir isugu yimaadan magaalada
burco siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ee ka jeeday dhamaan beelaha
dega xuduudihii somalidii ingiriisku gumaysan jiray waxaa halkaas lagu
dhisay maamul dawladeed oo ku salaysayn habkii hore loo eeday taasoo
beesha dhexe ee isaaqu qaybtii libaaxa qaateen mar kastana beelaha
darafyadu kaga cawdaan inay iyadu dawladnimadii iyo wax wada
lahaanshihii iska fuudh yeeshay inkastoo beesha dhexe laftigeedu kala
sed bursatay oo kuwii looma ooyaanka ahaa ku dulmin yihiin hadana
magacaas la majeeranayo uunbay la wadaagaan
sidoo kale puntland oo iyana maamul goboleed samaysatay ayaa beesha
majarteen uun lagu majeertaa inay taladii iyo wax wada lahaanshihii
isku koobeen weliba waxaa eeda kama danbaysa ku dhacdaa beesha
maxamuud suleymaan oo la yidhaahdo marna ma ogola in xeedhada gunteeda
gacanta lala geliyo dhinaca nidaamka federaalka oo sheegta inay
soomaali oo dhan ka wakiil yihiin waxaa saami qaybsiga dawladeed lagu
sargooyey nidaamkaa qabiilka ee 4.5 waxaana qayb libaax qaata beesha
hawiye oo iyadu isu aragta awood aan cidina kula tartami karin dalka
soomaaliya maadaaba ay caasimadii gacanta ku hayaan midhka ka dhacana
waxaa qaata majeerteen iyo mareecaan oo magac daarood huwan hawiye
laftiisa ayaa is gumaystay oo isku dul noolaaday ee wuxuunbaa awoodu
gacantooda ku soo ururta qabiilka mudulood hiraabe oo ka kooban abgaal
iyo habar gidir oo laftigooda xafiiltan cidiyo ku dagaalan ahi ka
dhaxeeyo
Isku soo duuboo dhamaan nidaamyada soomaaliya ka jiraa waa isma
dhaanto iyo dhasheed meel kastana waxaa ka jira dulmi iyo isku dul
noolaansho aan loo sinayn wax wada lahaanshihii iyo dawladbimadii
waana wixii nidaamkii hore dumiyey ee aakhirkiina burburiyey
Inta koox gaar ah oo huwan magac qabiil ku tagrifalayso wixii la wada
lahaa wuxuun baad ka eegtaa in fashil ku yimaado aakhirkana waxay
keentaa xifaaltan iyo ismuquunin ka dhex bilaabanta kooxdii dulmiga ku
heshiisay laftigeedii iyadoo koox kasta qumane qoorta ugu jiro oo isku
daydo inay ka takhalusto kooxda kale wax garawshiinyo ahna aan lala
iman waxaana ay uga sii gudubtaa in dulmigii dilaaco oo sidii shalay
tog dhiiga soo roga oo qof kastaa dheefsado abwaan hadraawi ayaa laga
hayaa ummad yahay tiraa kaa gedmane wax isu geegeeya hadba geed
ismaris baa u kaca guul rag leeyahaye miyaan arladani geedi shaanboo
geline waayeynin maanta madaxda maamulada soomaaliya oo dhan ka jiraa
waa geedi shaambo waxaana aad moodaa in awr wada dhalay mid kastaana
waa laga inaabsay talo aduun ka ka yaqaan siduu kursiga u sii xejisan
lahaa kuwa soo socdaana ka daran oo waa ardaydii ay wax bareen waxayna
raacayaan dariiqoodii waxaa lagu dul socdaa biriig liiq lliiqanaya oon
lugo adag ku taagnayn oo saacaduu doono dumaya sidaas ayeyna
ahaanaysaa inta aynu wadadaas madhalayska raacayno ee maskaxdeenii
qabyaalada u
rahman tahay
jaamac cabdilaahi suleymaan
cigaal215@gmail.com