Dalladda Haweenka ee Nagaad Oo Sheegtay in Fursadaha Haweenka Somaliland Helaan Ay Kala-Badh Ka Yar Yihiin Kuwa Raggu Helaan.

0
750

Dalladda Haweenka ee Nagaad Oo Sheegtay in Fursadaha Haweenka Somaliland Helaan Ay Kala-Badh Ka Yar Yihiin Kuwa Raggu Helaan.

Hargaysa(Halsan) Haweenka Somaliland waxa ay helaan in ka yar kala-badh fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo waxbarasho ee ay raggu helaan sida ay xaqiijisay daraasad cusub oo ay soo bandhigtay dalladda haweenka ee Nagaad.

 

 

Xog-uruurin lagu sameeyey in ka badan 1,200 oo qof oo ku kala nool lixda gobol ee Somaliland ayaa waxa ay daaha ka rogtay in ay jirto dheellitir la’aan xaga dhaqaalaha, waxbarashadda iyo ka qayb galka taladda dalka, taasi oo keentay in hal gabadh oo kaliya ay ku jirto 164 xubnood ee Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland. Daraasaddani waxa kale oo ay iftiimisay in 54% haweenka Somaliland ee da’doodu u dhaxayso 15 -24 sano jirka aanay helin fursad shaqo iyo mid waxbarasho marka la barbar dhigo dhiggooda ragga oo 24% aanay helin fursad waxbarasho iyo mid shaqoba. Xaga waxbarashada 51% haweenka Somaliland ma helaan waxbarasho aasaasi ah, halka 26% raggu aanay helin waxbarasho aasaasi ah.

 

Agaasimaha dalladda haweenka ee Nagaad, Marwo Nafiisa Yuusuf oo ka fal-celisay natiijada ka soo baxday daraasadani ayaa waxa ay tidhi “Isu dheelitir la’aanta baahsan ee daraasaddani muujisay waa mid aad u taban, waana mushkilad u baahan in xal waara oo degdeg ah ay ka gaadhaan dawladda, ganacsatada, ururada bulshada iyo dadweynuhuba”

 

“Awoodsiinta haweenku waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad ee qaranka. Haweenka oo fursad la siiyaa waxay horseedaa koboc bulsho iyo kor u kac dhaqaale. Dhammaanteenba waa in aynnu iska kaashanaa sidii aynnu meesha uga saari lahayn fahamka khaldan ee laga bixiyo horumarinta iyo fursadsiinta haweenka”

 

Sinnaan la’aanta qotada dheer ee jirtaa waxay keentay in bulshadu faham khaldan ka qaadato doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada. Mid ka mid ah dadka ka qayb galay daraasaddan ayaa tibaaxay “Haweenka had iyo goor waxa lagu barbaariyaa in ay mar walba leeyihiin mudnaanta labaad, doorkooduna uu yahay oo kaliya in ay qoyska caawiyaan, bes!”

 

Taa badalkeeda, waxa muuqata ifafaalo wanaagsan, 86% dadka daraasadda lagu sameeyey waxay isku raaceen in ka qaybgalka haweenka ee talada dalku ay faa’ido weyn u leedahay bulshada, halka 84% dadka la waraystay ay isku raaceen qoondada haweenku in ay tahay xal rasmi ah oo wakhti-xaadirkan haweenka fursad u siinaya in ay ka qayb galaan talada dalka, doorkoodana ka ciyaaraan curinta aragtiyo fayow oo dalka lagu horumariyo.

 

“Bulshadu way tageersan tahay, Dawladduna waa in ay si dhakhso ah u sharciyeysaa qoondada haweenka ee ka qayb galka siyaasadda dalka” ayey tidhi Nafisa. “Daraasaddani waxay daaha ka rogtay ma aha oo kaliya ka qayb galka haweenka ee arimaha siyaasada, balse waxa kale oo ay iftiimisay dheellitir la’aanta baahsan ee ka haysata haweenka dhinac kasta”

 

. Si sinnaan la’aantaas meesha looga saaro, waxa lama huraan ah in:

  • Ay dawladdu curiso isla markaana fuliso xeerar iyo qorshayaal wax lagaga qabanayo isu dheellitir la’aantaasi baahsan.
  • Dawladdu waa in ay mudnaanta koowaad ka dhigato hir-galinta qoondada haweenka, sinnaanta fursadaha shaqo iyo kor u qaadidda waxbarashada haweenka.
  • Ganacsatada, ururada bulshada, rag iyo haweenba waa in ay iska kaashadaan sidii meesha looga saari lahaa nooc walba oo isu dheellitir la’aaneed.