Dalka Somalia oo deeq ugu yaboohday Abaaraha ka jira Gobolka Awdal ee Somaliland

0
697

Hargeysa(Halsan):-Dawladda Soomaaliya, ayaa maanta daboolka ka qaaday inay lacag hal malyan oo Doolar ah ugu deeqday qorshe ay ku tilmaantay samato-bixinta dadkeeda abaaruhu dhibaateeyeen, sida uu sheegay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farketi).

Soomaaliya waxay sheegtay lacagtan lagu bixin doono sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee Soomaaliya. Hase yeeshee  Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay BBC-da ayaa sheegay in  lacagtan dawladiisu ku yaboohday  loo adeegsan doono sidii gurmad deg-deg ah loo gaadh siin lahaa dadka abaarahani taseeyeen.

Mr. Xayir, oo ka mid ah shakhsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee xilka ka haya Somalia, waxa uu  magac-dhabay Gobolka Awdal oo sida uu carabaabay uu ku sheegay meesha ugu daran Soomaaliya ee dhimasho dad laga soo weriyay, iyagoo  indhaha ka qarsaday  in gobolka Awdal uu yahay deegaan ka tirsan Soomaaliland, sida uu uga hadlayna ay u muuqatay  inuu alooso xasaasiyad siyaasadeed oo horseedi karta in deeqdan Somaliland joojiso in dalkeeda la keeno.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, sharaxaad kama uu bixin qaabka iyo sida ay deeqda gobolka awdal u qoondeeyeen ay u gaadh siin doonaan.

Hadalkan ayaa ka dhashay markii daboyaaqadii toddobaadkii hore Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ka mid ah Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha Somaliland uu sheegay in aanay shacabka Soomaaliya  shacabka Somaliland ka taageerin halasaha abaaraha kulul, isagoo  xasuusiyay inay shacabka Somaliland laba dhawr sannadood ka hor ay Soomaaliya ku caawiyeen dhaqaale ku dhow illaa 700 oo kun oo dollar, xilli ay abaaro xanuun badani ka taagnaayeen Soomaaliiya.