Dalka Maraykanka Oo Ku Hanjabayo Cunaqabatayno Uu Ku Soo Rogo Turkiga Iyo Xaalada Xidhiidhka Labada Dal

0
625

Dalka Maraykanka Oo Ku Hanjabayo Cunaqabatayno Uu Ku Soo Rogo Turkiga Iyo Xaalada Xidhiidhka Labada Dal

Maraykanka ayaa ku hanjabay in uu cunoqabatayno dhaqaale oo dheeraad ah ku soo rogi doono Turkiga, hadii uu sii dayn waayo Baadari Maraykan ah oo dalkaa ku xidhan.

Andrew Brunson ayaa labada sanadood ku dhawaad ugu xidhan Turkiga eedo ah inuu xidhiidh la leeyahay ururo siyaasadeed.

Is maan dhaafka ka dhashay sii dayntiisa ayaa dhaliyey in labadaa dal ee gaashaan buurta Nato ka wada tirsani uu mid ba ka kale badeecadaha uu u dhoofiyo cashuuro dheeraad ah ku soo rogo.

Arintaasi waxay uga sii dartay baaxaa degga lacagta Turkiga ee Lira-ha oo qiimaheedu hoos u dhacay saddex meeloodow meel tan iyo bishii Jeeniweri.

Waxa

 

aanay taasi dhalisay in aad loo xaraasho saamiyada sayladaha soo koraya iyo cabsi ah in dhaqaalaha aduunku baaxaa dego.

Lacagta Turkigu waxay hoos u dhicii qiimaheeda in yar ka soo kabatay horaantii todobaadkan markii xukuumaddu cashuuro dheeraad ah ku soo rogtay badeecadaha Maraykanku u dhoofiyo ee ay ka mid ka yihiin gawaadhida, khamriga iyo buurigu. Laakiin soo kabashada lacagta Turkiga weli waxa dul hoganaya cabsi hor leh oo ka dhalatay hanjabaadda Maraykanka.

Todobaadkii hore ayaa Maraykanku laban laabay cashuuraha laga qaado birta Turkigu u dhoofiyo, Khamiistiina wasiirka maaliyadda Maraykanka, Steven Mnuchin, ayaa waxa uu yidhi “waxa jira qorshe kale oo aanu ka baaraan degayno in aanu meel marino hadii ay si dhakhso ah u sii dayn waayaan [Baadarigaa]”.

Wadani Af-duuban

Turkigu waxa uu ku eedeeyey Brunson, oo madax ka ah Kaniisad yar oo ku taal Izmir, in uu xidhiidh la leeyahay ururka la xaaraantinimeeyey ee Kurdistan Workers Party iyo dhaqdhaqaaqa Gulen oo Turkigu ku eedeeyo in uu ka dambeeyey af-gembigii dhicisoobay laba sanadood ka hor.

Trump ayaa fariin uu ku qoray Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Turkigu “ka danaysanayey Maraykanka sanado badan” iyo sidoo kale in Brunson yahay “wadani af-duuban”.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “nin aan dambi gelin soo dayntiisa waxba ku bixin mayno, laakiin talaabo ayaanu ka qaadaynaa Turkiga”

Kaniisadda Evengelical ee mad-habta Protestant-ka ee Maraykanka saamaynta ku leh [oo Baadariga xidhani ka tirsanyahay] ayaa Trump taageero wayn ka haystaa.

Khilaafkan Turkiga iyo Maraykanka ka dhex aloosmay waxa uu soo baxay iyada oo Trump uu marka hore ba dagaal ganacsi ku la jiro Shiinaha.

Bankiga dhexe ee Turkiga ayaa Isniintii sheegay in Bankiyada [gaarka loo leeyahay] ee dalkaas la siin doono lacagta naqadka ah ee ay u baahan yihiin si loo suurto geliyo in lacagtu ku dhex wareegto suuqa maaliyadeed ee dalkaas.

Hase ahaatee waxa jira calaamado muujinaya in hoos u dhaca qiimaha lacagta Turkigu durba uu ku fidayo dunida. Lacagta Rand ee Koonfur Afrika, ta Ruushka ee Rouble, Rupee-ga India iyo ta Indonesia ee Rupiah ayaa dhamaantood uu saameeyey baaxaa degga maaliyadeed ee Turkigu.