Dalka Kuuriyada Waqooyi oo waqti u gooni ah samaystay

0
663

Dalka Kuuriyada Waqooyi oo waqti u gooni ah samaystay

Saacada wadanka Kuuriyadda waqooyi ayaa dib loo dhigay oo laga dib dhigay saacadaha wadamada Kuuriyadda Koofureed, Japan iyo Shiinaha oo ay daris yihiin.

Saacadda wadanka ayaa dib loo dhigay qaddar 30 daqiiqo ah taasoo dawladu ay ku sheegtay inay ku doonayso inay waqti u gooni ah sameysato.

 

Afhayeen dawlada u hadlay ayaa sheegay in go’aanka dawladiisu qaadatay ay ku doonayso inay uga baxdo xayndaabka waqtiga ee Japan.

Baarlamaanka wadankaasi ayaa la hor geeyay waxaana waqtigaan uu wadankaas ka dhaqan galayaa maanta oo jimce ah.