Dalalka Carabka Oo Isku Khilaafay Dib Usoo Celintya Xubinnimada Suuriya Ee Jaamacada Carabta

0
194

Dalalka Carabka Oo Isku Khilaafay Dib Usoo Celintya Xubinnimada Suuriya Ee Jaamacada Carabta

Shir ay 9 dal ku yeesheen magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo aan la isku afgaran in Suuriya ay dib ugu soo laabato ururka Jaamacadda Carabta oo horey looga joojiyay xubin ka ahaanshiyaheeda.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee gobolka ayaa ka wada hadlay soo afjarida go’doominta dublamaasiyadeed ee muddada dheer saarneyd madaxweyne Bashaar Al Assad.

Suuriyada ayaa xubinimadii jaamacadda Carabta laga joojiyay sanadkii 2011-kii markaasi oo uu kacdoon ka bilaabmay Suuriya.