Dal Carbeed oo la ogaaday in uu ka dambeeyay Xiisada ka aloosan Wadamada Khaliijka

0
631

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa la ogaaday in uu ahaa dalkii ka dambeeyay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Khaliijka Carabta gaar ahaan tan u dhaxeysa Dowlada Qadar iyo Xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Wadamada Khaliijka Carabta ayaa ka bilaabatay Warar been abuur ah oo lagu faafiyay Wakaalada Wararka dalka Qadar iyo qaar kale oo kamid ah Warbaahinta dowlada Qadar sida weyn u taageerto.,

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la ogaaday in uu ka danbeeyay weerarkii dhanka Internetka ee lagu qaadey warbaahinta Qasar kaas oo lagu qoray warbixino khalad ah isla markaana mar-marsiiyo looga dhigtey xayiraada Qadar la saarey.

Wargeysta Washington Post oo ka soo xigatey laamaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaysa in Imaraadka Carabtu ay isku duba rideen kooxdii weerarka ku qaatey warbaahinta Qatar kuwaas oo hal mar jabsadey Wakaalada Wararka ee Qatar, TV Qatar iyo barta Twitterka iyo weliba wargeysyo kale oo taageera xukuumadda.

Kooxda Burcada Internetka ee jabsatay Warbaahinta dalka Qadar aaa xogo been abuur ah ku baahiyay Warbaahintaasi, waxaana qoraaladaasi ay noqodeen kuwa sabab u noqda in uu xumaado Xiriirka Qadar iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta.

Qoraalada beenta ah ee lagu baahiyey warbaahinta dowlada Qatar ayaa ahaa khudbad been ah oo la sheegay inuu jeediyey Amiirka Qatar Al Thani xili uu ka qeyb galayey xaflad loo dhigay ciidamada dowlada.
Qoraalada been abuurka lagu sheegay in markii danbe loo adeegsadey qiil xayiraad lagu saaro Qatar ayaa dhigaaytey, Amiirka Qatar in uu sheegay in dalalka Khaliijka looga baahan yahay inay xiriir dhaw la yeeshaan kooxaha Xamas iyo Xisbullah oo ay u aqoonsadaan kooxo xaq u dirir ah, isla markana dalalka khaliijka ay joojiyaan cadaawada ay u hayaan IRAN. Waxaana intaasi loo sii raaciyey in Amiirka Qatar uuu sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Trump uusan wakhti dheer xilka sii heyn doonin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here