DAL BA,OOW YAA KU LE

0
789

Guurtidu waxa ay ku adkaysatay go,aankii sharci darada ahaa ee ay hore u gaadhay sharciyada iyo dastuurka dalkana aan meelna kaga oo lin.

 

Sidoo kale waxa ay si toosa oo badheedha u diideen guurtidu soo jeedintii madaxwaynaha ee ahayd in ay koradhsiimadooda waa fajiyaan heshiiskii xisbiyadu ay gaadheen.

 

Diidmada ay guurtidu diiday soo jeedintii madaxwaynaha waxa ay u eegtahay mid maaweelaa oo ay ku wada socdaan iskuna ogyihiin madaxwaynaha iyo guurtidu

Dheesha siyaasadee waa shinbirayahow heesa.

 

Gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye muuse biixi waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo diidmadaa guurtida waana uu ka gaab saday sababtoo ah xanjo buuf buu calaashana yaa oo marabo in ay ka xumaato xanjadiisu.

 

Guudoomiyaha goolaha wakiilada iyo xisbiga waddani isna kama uu san hadlin qadiyadaasi saxaafaduna way wayday mar ay baadi doonta isna wadhaf buu laba shinbirood ku wada dilayaa oo marabo in uu lawaayo farbaanu ku dhuumanayaa .

 

Gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe waxa uu uga hadlay diid madaa ay soo diideen guurtidu dalabkii madaxwaynaha si ba dheedha oo aan dhuumasho la hayn waxaana uu muujiyay in isaga iyo xisbigiisu ay yihiin qolada qudha ee doorasho u diyaara waxaana uu sheegay in ay qadiyadaasi gayn doonaan maxkamada.

 

Haddii ay run ka tahay madaxwayne siilaanyo soojeedinta uu guurtida u gudbiyay in uu doorasho qabtaana ay xaqiiqa katahay isaga iyo xukuumadiisa waxa hubaal ah in ay qadiyadaasi sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbin doonaan maxkamada sare si ay uga garnaqdo go,aan sharciya oo meelmarana u soo saarto si ay u soo af go,aan muranada jiraa haddii aanay taasi dhab ka ahayn madaxwaynaha iyo xukuumadiisana way ka amusi doonaan waxaanay jawaab ka dhigi guurtidii wayna diiday halkaasna waxa ku soo af go,day dhiraan dhirintii ay xukuumadu ku luuqayn jirtay.

 

Marka aad eegto dastuurka dalka iyo dhaamaan shuruucdii majirto meel nool oo la ma jiirtaa qodob dastuuriya oo aan la jabina ma jiro waxa kaliya oo maanta kal sooni buuxda lagu qabaa dalkana badbaadin karaa waa maxkamada sare oo xukuumada xisbiyada mucaaridkaa shacabka dhamaan tiirarka ay ka koobantahay jamhuuriyada somaliland ay kalsooni buuxda ku qabaan waa gudoomiye AADAN XAAJI CALI AXMED oo muujiyay daacadnimo iyo xilkasnimo dheeraada halka maanta lagu badbaadi karaana waa go,aanka maxkamada sare.

 

Waxa se jare siyaasadeed ah ayaa kiiskaa koradhsiimada ee ka dhan ah guurtida u gudbin doona maxkamada sare ma xukuumada mise mucaaridka?

 

Sharciyan yaa xaq ule in ay kiiskaa koradh siimada u gudbiyaan maxkamada sare ma xukuumada mise mucaaridka?

 

Diinbaa god goray galay

Goraybaa god diin galay

Iska daba wareeg iyo

Hebalaa isu duur xulay!

 

Xaalada siyasadeed ee dalku waa mid jaahwareera oo ilaa hadda aan sal dhigan meel heshiis lagu yahay mucaarid iyo muxaafidba maadaama oo aanay sidii laagu talo galay u shaqan shuruucdii dalku shacabka somalilandna waxa ay u dhagtaagayaan halka ay saldhigan doonto qadiyaadaasi oo ah ta maata ugu xaraarada saraysa qokasta oo reer somaliland ahna ay hayso xumadeedu

Waan eegi doonaa sugi doonaa halka ay sal dhigato.

 

Cishadii gashaba

Waagu waa caynad

Gooniya caamadu waxay

Moodayaan curasho dayreede

Cilmi falaga way garan

Ragii caalimka ahaaye.

 

Way muuqataa ciidii daycday masuuliyadii ay qaranka u haysay .

 

Baadilkuna wuu tagi xaquna wuu i man

IN SHA ALLAAH

 

ALLAA MAHADLE

 

XEELDHEERE : nuuradiin ibraahin abdi

063 4421963.