Dahir Calasow waa Cadawga Somaliland

0
719

Dahir Cabdulle Calasow waa nin Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somalia Mihnadiisu waa Basaasnimo Wuxuu ku xoojiyaa shaqadiisa Basaasnimada Saxaafinimo.

Dahir Calasow waa qof runtii shaqsiyadiisu wax badan u goyn lahayd haduu dhanka wanaaga u leexdo laakiin nasiib daro daahir uma suurta gelayso taasi waayo waa Calooshiisa u shaqayste ku caan baxay been iyo propaganda waa nin ku xeel dheer qoyska iyo qabiilka.
Qofku haduu yahay mid qabiilka iyo qabyaalada ku dhex Milan ma noqon karo saxaafi laakiin waxaa u fududaanaysa Shaqadiisa basaasnimada ah.

Dahir Calasow waa ninka keliya ee saxaafi sheegta ee intuu camera soo hor Fadhiistay Ab Tirsaday qabiilkiisa ka sheekeeyey waa ninka keliya ee intuu video iska duubay ku weeraray Qabiil waana Cadaw ka mida Cadawyada Somaliland.

Rag badan oo sheeganaya Saxaafiyiin oo reer Somaliland ah ayuu hogaanka u qabtay Dahir Calasow kuwaaso Noqday Saxaafada la madluufiyay ee sida tooska ah ugu shaqaysa reernimada aasaaskeeduna ahaa Reerkiina Odhaahdiisa iyo Damaciisa meel mari.
Dahir Calasow Geed dheer iyo mid gaabanba wuxuu u fuulay siduu Somaliland Qaranimadeeda wax uga sheegi lahaa Hadaad Booqato Websitekiisa ama baraha Facebook Account-ka uu ku leeyahay ku arki maysid waligaa wax Positive ah oo Somaliland ku Saabsan.
Waa Shaqsiyad aad u liidata oo damaciisu la fil yahay Hadba inta uu Helayo Laaluushiyo baad amase Leejo, wuxuu laf dhuun gashay ku noqday Shirkadihii laga lahaa Somaliland.

Maaha Dahir qof la odhan karo waa Saxaafi laakiin waa basaas aan xalaaliyo Xaaraan midna aqoonin, Basaasnimaduna waa shaqo waayo shalay ayay ahayd markuu basaaska u ahaa Somaliland markii uu shaqadiisii labac labac kala bixi waayay waa la fasaxay taasi waa ta keentay cadaawada xadhigeed go’ay ee uu Somaliland u hayo.

Website la Magac baxay Qarni News iyo War Somali waa Laf jabka ugu weyn ee Somaliland Saxaafadeeda ku dhacay waayo waxay si toosa Mahdi uga Dhigteen Cadawga Somaliland kuwaasoo u fahmay Dimuquraadiyadu inay tahay Sidaad doontaba isaga ekow cidaad doontana la rafiiq Noloshana Bilaa Ajande ka ahaw.

Maqaalkaygan maanta aan kaga hadlayay Dahir Calasow waxaan ku soo koobayaa Digniin iyo Duur Xul aan u soo Jeedinayo Dahir iyo intay isku Aragtida yihiin Kolay Xaasidnimada iyo Cadaawada aad u qabtaan Somaliland iyo Shacabkeedu waa mid aad kala kulmi Doontaan Cawaaqib aan la Mahadin.

Dawacadu Meeshay
Macal ku dhadhamisay
Macaluul ugu Bakhtidaa