Dahabshiil Astaan Ku Dayasho Mudan!
Shirkadda Dahabshil oo ka kooban seddex qaybood ; qaybta Xawilaadaha Dibeda, Isgaadhsiinta (Somtel) iyo Adeega Edahab. Shirkadda dahabshiil iyada oo fulinaysa Adeegyadaa dusha ku xusan waxay ka hawlgashaa guud ahaan dalka , dalalka dariska iyo duwalka kale ee caalamka intooda badan. Waxaa shirkada dahabshiil seeska u dhigay sanadkii 1970 Mudane Maxamed Siciid Ducaale, iyadda oo wakhtigan la joogo masuulka ugu sareeya ee hogaamiyaa uu yahay Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo runti ah ninka wakhtiyadan dambe shirkada gaadhsiiyey horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay iyo ka haqab-tirka adeegyada kala duwan ee shirkadu u darban tahay dadkii u baahnaa . shirkada dahabshil waxay buuxisay baahiyo badan oo adeeg oo shacabku u baahnaa. Waa shirkada kaliya ee nooceeda ah ee ka hawlgasho guud ahaan geeska afrika oo ay bulshadu 95% ay si toosa ugu xidhan yihiin isticmaalaana adeegyadeeda kala duwan.
Horumarka shirkadu gaadhay ee uu hormoodka ka yahay Mudane Cabdirashiid waxaa loo tiring karaa hawlwadeenada ka hawlgala qaybaha kala duwan oo ah kuwa koobsaday aqoon sare ,waayo aragnimo iyo akhlaaq suuban , taasi oo ah mida ay shirkaduhu isku dhaafaan.
Marka aynu dib u jaleecno sannado ka hor halka aynu maranay iyo maanta meesha aynu taaganahay marka laga eego dhinaca horumarka technoolajiyada waxaa lagu tilmaami karaa ama la qiyaasi karaa faraqa balaadhan ee u dhaxeeya. Horumarkaa lagaadhayna run ahaan waxaan odhan karaa waxaa hormood ka ah Shirkada dahabshiil iyo adeegyadeeda isku qoofalan.
Dahabshiil iyo ka Qayb qaadashada Kaabayaasha dalka: Shirkaddu maaha oo qudha mid bulshada dheef ka gurata, ka xoogsata macaash qudhana ka kasbata, waa shirkad bulshada wax ku soo celisa waana shirkadda ugu wayn bulshada wax tarta kana qayb qaadata horumarka, Sida tacliinta oo door wayn ka qaadato iyada oo dugsiyada, jaamacadaha iyo koobaha kale qayb wayn ka qaadatay marwalbana u taagan, Goobaha cibaadada masaajidada iyo madaarista diiniga ah waxay u tahay astaan ka qayb qaadashadeeda, tartanka Quraanka iyo dhiiri galintiisa waa shirkaddii ugu horaysay ee daah furta
Shacabka haddii aanu nahay waxaanu dareemaynaa waxtarka balaadhan ee shirkada dahabshiil dalkeeda iyo dadkeedaba u hurtay islamarkaana ay buuxisay waxbadan oo looga fadhiyey hogaanka dalka xilkiisa haya, sidaa awgeed in la isgarabtaago waa mida looga baahan yahay xukuumadan hadda hogaaminaysa dalka iyo kuwa gadaal ka iman doonaba.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali
Hargeysa,Somaliland