Dagaalkii ka kacay Dilaalka Haamaha,ee Dhexmarey Wasiir kuxigeenka Idman ee X.xoolaha iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

0
643

Berbera(Halsan):-Subixii Shaley ayey aheyd,markii badiba wasiirada Xukumada Madaxweyne Silaanyo iyo Masuliyiinta xisbiga talada haya ee kulmiye,ay usoo kaleheen Madaarka Caasimada Hargeysa egal oo uu ka soo degayey,Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo oo ka soo guryo noqday,safar in mudo ah ugu maqnaa qaar katirsan wadamada yurub iyo Carabta , kuwaasi oo isku hirdiyaayey ka ag-muuqashada Madaxweynaha ,waxaana soodhaweyntaasi siweyn uga dhexmuuqday ,wasiirada ama garabyada ku loolamaya Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ee ay kale hogaaminayaan, Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Maxamed Bixi yoonis,

Marka laga yimaado Garabyadaasi isku hirdiyaayey Musharaxnimada Kulmiye ,Waxa iyana jiray garabyo kale oo iyana loolan adagi ka dhaxeeyey,kuwaas oo isku haystay Wareejinta hamaha Shidaalka Berbera iyo Dilaalistooda,waxaana siweyn Madaarka Farxada wajiyadooda looga dheehanayey,Masuliyiinta kale ah Wasiirkuxigeenada Xanaanada Xoolaha Cali Gadheer iyo Wasiirkuxigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, oo ku guuleystay inay meel Madaw xilka kaga tiriyaan Mareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh salebaan Siciid cali, kuna Wareejiyaan Mareeyaha ay soo magacabeen Shirkadaha Macaash doonka ah ee lagu Wareejiyey Keydka Shidaalka Qaranka Maxamud gaheyr ismaciil

 

dhinaca kale,Waxa iyaguna Meesha ka muuqday Garab kale oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse qaasim iyo Wasiirkuxigeenka warshadaha Cali Dhagoole, oo iyagu todobaadkii hore berbera u tagey Xalinta khilaafka Wareejinta haamaha,kuwaasi oo soo xereeyey inamadii hubeysnaa buuraha galey,halka ay Odayaasha degaanka Saaxil ee arintaasi kale shaqeeyeyna ay hargeysa u keneen inay madaxweyna kulan la qataan,si markaasi looga wado hadlo faa;iidada iyo dhibatada ama masalaxaadka guud, waxaana dhacday in laga Maroorsadey , suba salaaxii ay wadeen in lagu wareejinta haamaha shidaalka Berbera,waxaana Masuuliyiintani ay u muuqdeen kuwo muuqoodu marayo meesha balse maskaxdoodu maqan tahay, islamarkaana ka warwarayaa balantii ay odayaasha Reer Berbera u soo qadeen oo meesha ka baxday,islamarkaana loo arkay arrinkooda inay shirqoleen, sidoo kalena ka cabsi qaba inay kuraastooda ku wayaan Subasalaaxa ay doonayeen in Haamaha lagu Wareejiyo ,oo ay labada Wasiirkuxigeen ee ka amar qaata Baashe Moorgan ay dhabarka ka jabiyeen

Waxa Xusid Mudan in gudaha Madaarka Egal Muqaaladii laga duubey ay ka soo dhexmuuqdaan Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim iyo Wasiirkuxigeenka Idman ee Xanaanada Xoolaha cali gadheer, kuwaasi oo isku maandhaafsan shirqoolkii lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka Berbera oo aanu waxba kale socon wasiirka ganacsigu, kadib markii uu si hoose uga qaybgaley wasiirkuxigeenkiisa Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir,islamarkaasi aan waxba lagala socod siin ,waxaaney umuuqataa in Dilaalkii laga qaadey Shirkadaha Haamaha Lagu wareejiyey uu ka qadey Wasiirka Ganacsi,kaasi oo dheef aan buurneyn markii hore kuqabey Mareeyihii meesha Madaw Xilka lagaga tiriyey ee Xukumayey Hamaha Berbera

 

Source: Oodweynenews