Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidanka Dowlada oo saakay ka dhacay Deegaanka War-Maxan

0
666
Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidanka Dowlada oo saakay ka dhacay Deegaanka War-Maxan

 

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhaxe ilaa saakay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab uu ka dhacay Deegaanka War-Maxan oo kuyaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.’

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahnao hubeesan oo katirsan Al Shababa ay xalay saqdii dhaxe weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidanka Milatariga Soomaaliya halkaasi ku lahaayeen, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal xoogan oo labada dhinac dhax maray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahanada Al Shabaab ay saacado joogeen deegaanka lagu dagaalamay ee War-Maxan, waxaana markii dambe la sheegay in Al Shabaab ay isaga baxeen deegaankaasi kuna laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.

Ku dhawaad 5-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa dhintay tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, waxaana deegaanka lagu dagaalamay baaritaano hada ka wada ciidanka Milatariga ee la weeraray iyo ciidamo kale oo u gurmaday.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkii ugu dambeeyay habeeno kahor uu ka dhacay Duleedka Muqdisho gaar ahaan saldhig AMISOM ku lahaayeen Ceelasha Biyaha.