Dagaal Ka Qarxay Caasimada Suudan Iyo Warar Is Khilaafsan Oo Ka Soo Baxaya Dagaalkaasi

0
148

Dagaal Ka Qarxay Caasimada Suudan Iyo Warar Is Khilaafsan Oo Ka Soo Baxaya Dagaalkaasi

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in rasaas xooggan ay ka dhacayso caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi iyo ciidamo xoog badan ee loo yaqaanno kuwa gurmadka degdeg ah.

Ciidamada bixiya jawaabaha degdega ah ee loo soo gaabiyo RSF ayaa sheegay in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Ma jirto cid ka madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada kooxdan. Mar sii horeysay RSF waxay sheegtay in la weeraray mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaal koonfurta Khartoum.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sidoo kale iyada oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah sheegtay in rasaas ay laga maqlay waqooyiga magaalada Merowe.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaalka caasimadda Sudan ee khartuum ku dhexmaraya militariga dalkaasi iyo xoogagga gurmadka degdega.

Warar iska soo horjeeda ayaa ka soo baxaya labada dhinac taasi oo ku saabsan cidda maamusha meelaha muhiimka ah ee caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Xoogagga gurmadka degdega ah ayaa sheegay in ay la wareegeen madaxtooyada iyo garoonka caalamiga ah, balse sheegashadaas lama xaqiijin.

Xoogagga RSF waxa ay sidoo kale sheegteen inay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidamada Sudan ayna ka qabsadeen deegaano ka tirsan gobolada kale ee dalka.

Dhankooda, militariga ayaa sheegay in ay wali gacanta ku hayaan dhammaan saldhigyada iyo garoomada diyaaradaha. Waxay intaas ku dareen in ciidamada cirka ay wadaan howlgalo ay kaga hortagayaan xoogagga RSF-ta.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku khilaafay cidda bilowday colaadda. Ciidamada gurmadka degdega ah ee RSF waxay ku eedeysay ciidanka inay bilaabeen dagaalka iyagoo weeraray xaruntooda Khartoum, ayna go’doomiyeen ciidamadii RSF ee halkaas ku sugnaa.

Balse militariga Suudaan ayaa sheegay in RSF-ta ay bilaabeen dagaalka iyagoo weeraray taliska guud ee Khartoum si ay ula wareegaan.