Dagaal aad u Xoogan oo kasocda Magaalada Faluuja+Daawo

0
628

Ciidamada Dowlada Ciraaq oo garab ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa guluf colaadeed waxa ay ku qaadeen Magaalada Faluuja ee Dalka Ciraaq, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay Kooxda Daacish kala wareegaan Magaalada Faluuja.

Dagaal aad u xoogan ayaa kasocda duleedka magaalada Faluuja, waxaana ciidamada Dowlada Ciraaq oo aad u hubeesan ay dadaal ugu jiraan sidii ay gudaha ugu gali lahaayeen Magaaada Faluuja oo hada gacanta ugu jirta Kooxda Daacish.

Ciidamada Ciraaq ayaa gantaalo culus ku garaacaya qeybo kamid ah magaalada Faluuja ay wali ku go’doonsan yihiin dad badan oo shacab ah, waxaana wali magaalada difaac adag kaga jira dagaalyahano katirsan kooxda Daacish oo doonaya in ay difaacdaan Magaalada Faluuja.

Saraakiil katirsan Dowlada Ciraaq ayaa sheegay in ay rajeenayaan in ay dhawaan si buuxda ula wareegaan magaalada Faluuja, ayna ka saaraan Kooxda Daacish oo mudooyinkii ugu dambeeyay maamuleyesay magaaladaasi.falu_1 falu_2 falu_3 falu_4 falu_5 falu_6 falu_7 falu_8