DADKU WUU IS DILI JIRAY DILNA WUU DHACAAYOO DAWO LAGU BOGSIIYIO DAW LOO MARAA JIRA

0
799

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.

S.C.W.R.W.B

Salaantaas Islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa,

Dhamaan bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda.

DILKII SHACABKU WELI MA SOCDAA.

1-DADKU WUU IS LAAYAA,DILKUN  WUU DHACAAYOO,

DAAYINKEENBA SOO JIRAY,INTAY DUNIDU TAAGNAYD,

DAWLAD LAYSA MAATIDU,IYADU WAY KA DUWANTOO,

WAA LAGA DAGAALAMAY,DAD IYO DUUNYO LOOHURAY.

2-DADKU YEELI MAAYAAN,DARAATOOLE WAXAN DHACY,

IYO DAKHARADII HORE,DAWLADII MAXAA HELAY,

DUUNYO RUUXA HAYSTIYO LAMA DILO MID XOOLOLE,

DIB UUN BAY U SOCOTA,DANYARTI WAY IDLEEYEEN.

3-CIDI U DOODA MALAHOO,DHIIGOODU DAYN MA LEH,

CID KU DABAGELAYSIYO,DACWAD LAGAMA FURI KARO,

DUUDSIYE MAGTOODII,ILEEN DAWLAD WEEYAAN,

DABLAYDAAS HUBAYSANE,WELIBA DAALIMIINTIYE.

4-DUMARKA IYO CARUURAA,DUSHA LOOGA SOO

DHACO,

DUUBCASTII SIYAADBAA,DALKA WELI KU NOOLOON,

DUULKAN TABAR SIISEE,HADDAAN LAGA DAGAALAMIN,

DADKABA AY DHAMEEYAAN,DAL MAXUU I TARAYAA.

5-DAGAAL LAMA ABAABULO,DANI HADDANAY KUGU QABAN,

KA DAAYAAY KA DAAYAAY,LAGA DAAL HADDEERTEE,

DAABCAS BAY MARAYSAA,GALKA DIBADD LAGA DHIGO,

DOOBI MUU BUUXINE, HA DAATEEN DHALAAKUNA.

6-DAWLAD BEENA DAAWADA,DUGSADA HAYDIN MADHISE,

DABAQASHO MALHOO ,WAY KA SII DARAYSAA,

DIIRKAA EEGANAYSAAN,DABCIGII ISLAAM KIYO,

MA LEH DAAWADEENII,IYO DUMAR QADERINTI.

7-DUGAAG BAYN HELAYIYO,DIIRAAN WAX REEBAYN,

DABAQADAANAY NOQOTOO.WAXAY  DILAAN,

WAX DAAYACAN,INTOODUNA DEKEEYAAN,

DABKA SAARA MOOY,DIBU DHIGABA ODHANAYN,

Ismail Abdillahi Handuleh.