Dadka qaba Xanuunka Dhimirka oo Tiradoodu soo Kordhayso iyo Daryeel la’aanta ay Dariska la yihiin

0
683

Hargeysa  (Halsan):-  Dadka reer Somaliland ee qaba xanuunka dhimirka ayaa mudooyinkii u dambeeyay tiradoodu soo kordhaysa, kuwaas oo daryeel caafimaad aan helin. Dadka uu asiibay xanuunada maskaxda ayaa tiradoodu marba marka ka dambaysa kordhaysa waxaanay wehel la yihiin cadceeda, dhaxanta iyo daryeel la’aan xad dhaafa, kuwaas oo dhex saqafaya faras magaalaha ayaa xukuumada iyo shacbiga reer Somaliland aanay dhaadin dhibta haysa walaaladood qaba xanuunka dhimirka. Distoorka Somaliland ayaa dhigaya inuu damaanad qaaday xaaladooda iyo daryeelka caafimaad ee muwaadiniinta qaba xanuunka dhimrka balse, qodobkaasi wax ka fulay ma jiraan, taas oo ay ahayd in suuqyada laga ururiyo dadkaasi dar xumudu hayse ee u baahan daryeel caafimaad. Dhinaca kale dadweynaha ayaan dhaadin dadkaasi xanuunku hayo oo ku dhaafa suuqyada, isla markaana marka uu dhex yimaado goobaha layskugu yimaado iyo meheradaha ganacsi qof xanuunkaasi haleelay si xun u hadlaan oo haddidaan. Xukuumada, ganacsatada ayaa loo baahan yahay in dadkaasi wax loo qabto oo daryeel caafimaad loo sameeyo, isla markaana ay dadweynuhu naxariis u muujiyaan dadkaasi.