Dad loo soo qabqabtay dilkii ka dhacay magaalada Västerås ee dalka Sweden

0
649

Waxaa saakay degan xaaladda dukaanka IKEA ee ku yaala magaalada Västerås, halkaasi oo maalintii shalay lagu dilay hooyo 55-sano jir ah iyo wiilkeeda oo 35-sano jir ahaa, kaddib markii kooxo Afrikaan ah ay toorey ku dileen.

Taliska ciidamada Booliska magaalada Västerås ee dalka Sweden ayaa ka warbixiyay howlgallo dhacay 24-kii saac ee aynu soo dhaafnay, waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba nin oo midkood dhaawac ka soo gaaray shaqaaqadii ka dhacday dukaanka IKEA.

 

War cad oo ka soo baxay Booliska dalka Sweden ayaa lagu sheegay in labada nin midkood oo da’diisa lagu sheegay 23-jir la qabtay isagoo ka sii vaxaya dukaanka lagu dilay labada ruux, iyaadoo Boolisku intaasi raaciyay in labada qof ee la xiray ay degan yihiin goob la dejiyo dadka megen gelyo doonka ah.

Dhinaca kale Booliska ayaa intaasi ku daray hadalkiisa inay weli socdaan baaritaano dheeraad ah, iyadoo saakay ciidamo fara badan la geeyay dukaankii uu dilku ka dhacay.

Waxay sheegeen kooxaha baaritaanada ayaa sheegaya inay heleen caddeymo hordhac ah oo ku saabsan dilka ka dhacay magaalada Västerås.