Dacwad Labada Xisbi Qaran u Gudbiyeen Maxkamada oo Ka dhan ah Seddex Masuul oo Xukuumada ka tirsan

0
675

Hargeysa( Halsan) Dacwad Labada Xisbi Qaran u Gudbiyeen Maxkamada oo Ka dhan ah Seddex Masuul oo Xukuumada ka tirsan masuuliyiintaas oo kala ah Wasiir xigeenka arrimaha gudaha ee Maamulka gobolada Mr Cadarre, Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, Guddoomiyaha Maroodijeex Mudane Jeeniyare.

 

Masuuliyiinta labada xisbi qaran ayaa u gudbiyey maxkamada iyaga oo kaga cabanaaaya shaacinta is hortaaga shirka ay kaga tashanayaan dib u dhaca iyo muranka arimaha doorashooyinka iyo amarada la siiyey hotelada caasimada oo ah in aanay u ogaal Isbahaysiga mucaaridka inay shir ku qabsadaan.

Axsaabta Mucaaridka  ayaa warqaddooda ku sheegay inay u arkaan in amaradaasi xad gudub ku yihiin shuruucda asxaabta, xuquuqada aasaasiga ah ee muwaadiniinta iyo Dastuurka sidaas darteedna ay ka codsanayaan Maxakamadda sare in amaradaasi la hakiyo

 

Masuuliyiinta Xukumadda Somaliland ayaa fartay Dadka leh hotellada iyo meelaha lagu shiri karo inaanay asxaabta u ogolaan shirkooda sidoo kalena sharci darro ku tilmaamtay shirka Mucaaradka.

 

Waxaana laga warsugayaa Maxkamada sare go’aanka ay ka qaadato iyada oo dhawaan loo magacaabay masuul cusub oo aqoon yahan ah.

 

 

Halsan Media Group

Hargeysa/Somaliland