Dablay Rabshado Ka Samaysay Jidka Isku Xidha Hargeysa iyo Berbera iyo Degaanka Sheekh

0
930

Berbera(Halsan) :- Booyad shidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta dabley ay rasaas la dhaceen, sida gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera Fahmi Cabdi Bidaar uu BBC u xaqiijiyay.

 

Waxaa kaloo gudoomiyuhu uu cadeeyay in dabley kale iyana rasaas ka rideen saaka wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada sheekh . Wuxuu intaa ku daray gudoomiyuhu inay garanayaan dhallinyarada wadooyinka ka baxa Berbera rasaasta ka rideysa, oo imikaba ayuu yidhi ay ciidamo booliis oo ka soo kala baxay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad joogaan dhallinyaradaasi.

 

“ Waxay galeen meel wadada u dhaw waxayna rasaas ku rideen gaadhi shacab ah oo ku sii socday magaalada Burco, markaa buurta ayay galeen ciidankiina waa ka daba tagay oo waa ku maqan yahay. dhinaca kalena tuulada Daragodle la yidhaahdo dhawr Inan ayaa wadada galay oo waxay rasaas ku rideen Booyad shiidaal, waxayna ka fadhiisiyeen taayirada, cadhadana xogaa ayay ka gaadhsiiyeen,” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar, badhasaabka Saaxil.

 

Shan nin oo ka soo jeeda dadka deegaanka Berbera ayaa midkiiba min hal bil oo xadhig ah ay ku xukumeen guddiga nabad gelyada ee gobolka Saaxil , sida uu sheegay guddoomiye Fahmi Cabdi Bidaar .

 

Guddoomiyaha ayaa sababta raggaasi loo xidhay ku sheegay inay tahay iyagoo abaabul ciidan ka waday wadooyinka ka baxa magaalada Berbera. waxaa nimankaasi lagu haystaa iyagoo ka soo horjeeda qorshaha xukumaddu ku wareejisay haamaha Shidaalka, sida xukumaddu ku dooday.

 

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadweynaha deegaanka Berbera badidoodu ka soo horjeedaan go’aanka xukuumaddu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera sharikado ganacsi oo aan tartan furan u soo marin , iyadoo Baarlamaankuna hore cod aqlabiyad ah uu ku diiday wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera.

 

Sabtidii la soo dhaafay ayaa munaasibad xogteeda la ilaaliyay oo lagu qabtay xarunta Haamaha waxaa lagu wareejiyay shirkaddaha Shidaalka keena inay muddo 20 sanno ah maamulaan Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera. xukumaddu bulshada umay sharixin sababaha kallifay wareejinta Haamaha.

 

Rabshadaha Dablaydani samaysay ayaa imanaya iyadoo todobaadkii tagay Wasiiro uu hogaaminayay wasiirka daakhiligu sheegeen inay dhalinyaro hub la galayd egaanka  Sheekh soo xero galiyeen, lana xalliyay xiisaddii ka dhalatay wareejinta Haamaha Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here