Hargeysa(Halsan:-Munaasibad aad u ballaadhan oo ay wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Mudane Cabdirisaaq Khiliif Axmed iyo ku xigeenkiisii ay xilalkii wasaaraddaas ugu wareejinaayeen wasiirka iyo ku xigeenkiisa cusub ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo u soo magacaabay wasaaraddaas, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maansoor ee Hargeysa.
Waxaana ka soo qeyb-galay wasiirkii hore ee hawlaha guud Mudane Cabdirisaaq Khaliif, ku xigeenkiisii, iyo wasiirka Cusub ee wasaaraddaas Mudane Cali Mareexaan iyo ku xigeenkiisa cusub, wasiiraddii ka tagay xilalka xukuumadda Siilaanyo, madax-dhaqameed, iyo dhammaanba shaqaale weynaha kala duwan ee wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta.
https://youtu.be/ivZipvDFGzI