Daawo:War-Saxaafadeed Shirkada Telesom
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Taar: March 26, 2018
War-Saxaafadeed
- Shirkadda Telesom iyadoo tixraacaysa war-saxaafadeedkii Baanka
dhexe ee Somaliland, ee ku taariikheysnaa 22/03/2018, waxay
macaamiisheeda sharafta leh ee markasta garab taagan ku
wargelinaysaa in adeega isku bedalka lacagaha ee (886) uu joogsan
doono caawa oo taariikdhu tahay 27/03/2018 saqda dhexe
12:00Am insha allaah.
- Sida ku cadayd war-saxaafadeedka Baanka dhexe ee kor ku xusan,
shirkadda Telesom waxay macaamiisheeda ogeysiinaysaa inay ka
heli karaan adeega isku bedalka lacagaha Sariflayaasha ka
ganacsada sarifka lacagaha, kuwaas oo si fudud ugu badali doona
dhamaan macaamiisha meel kasta oo dalka kaga suganyihiin.
- Shirkadda Telesom waxay diyaar u tahay markasta curinta adeeg
kasta oo fududaynaya kor u qaadista isticmaalka Shilling-ka
Somaliland sidii uu ahaa go’aankii Xukuumada Jamhuuriyadda
Somaliland.
Wabilaahi Tawfiiq
————————————————
Cabdiwahab Maax Maxamuud
Agaasimaha Waaxda Xidiidhka iyo Horumarinta Bulshada