DAAWO; XARAKADA AL-SHABAAB OO SOO BANDHIGTAY HALKA AY KA HELAAN HUBKA+SAWIRRO

0
562

Muqdisho(Halsan): -Warfidiyeen baahiya wararka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay baahiyey warbixin uu ku sheegay halka ay xarakada Al-Shabaab ka hesho hubka. Warbixintan oo cinwaan looga dhigay Ma Ogtahay Mujaahidiinta Al-shabaab Halka Ay Hubka Ka Helaan? Isla markaana wadatay sawirro badan ayaa u dhignayd sidan:

Cid kasta oo aan la socon xaaladda Mujaahidiinta Alshabaab ama aan ku sugnayn wilaayaadka islaamiga ah ee ay gacanta ku hayaan waxay is waydiiyaan halka Mujaahidiinta Alshabaab ay ka helaan hubka iyo rasaasta ay ku dagaalamayaan habeen iyo maalinba, dagaalkaasi oo socda muddo dheer oo toban sano ku dhow.

 

Wixii ka dambeeyay 1991-dii markii ay dhacday dowladdii siyaad barre waxay dhammaan gaaladu bilaabeen in ay xaalufiyaan dhammaan wixii hub cuslaa ee yaalay dalka, iyagoo wixii xoog ay ku waayaanna ay ka gadan jireen maleeshiyaadka iyo qabaa’ilka gacanta ku haya, sidoo kalena waxay cuno qabatayn saareen in wax hub ah lasoo galiyo dalka, iyagoo raba in ay dadka sacabooley ka dhigaan, kadibna ay qabsadaan wadanka oo ay gumaysgtaan, diintana ka badalaan.

Kadib markii ay hubiyeen in ay hubkii waawaynaa ay dhammeeyeen, midka yaryarna ay ashahaado la dirir iyaga taageersan gacanta u galiyeen ayay weerar nagu soo qaadeen, waxana weerarka nagu bilaabay ashahaado la diririkii, kadib markii allaah guusha naga siiyay ayay iyaguna soo galeen si ay noo qabsadaan.

Allaah fadligiisa waxa dhacday wax aysan qorshaysan oo ah in hubkii ay iyagu wateen laga qaato kadibna lagula dagaalamo, oo lagu dilo, waxana la dhihi karaa xikmadaha ku jiray in ay waddanka soo galaan iyagoo hub culus wata waxa ka mid ah in Mujaahidiintu ay ka qaniimaystaan hubkaasi.

Midda kale sida la ogyahay wadan kastaa hubka uu haysto hal dhinac ayuu ka helaa ama meelo kooban ayuu kasoo gataa, hase yeeshee Mujaahidiintu waxay heleen hub wadamo kalo duwan ka yimid, haddii ay tahay Faransiis, Ruush, Maraykan, Ingiriis iyo meelo kale oo badan, sababtoo ah gaalo oo dhan ayaa hubaynaysa Amisom.

Sawirrada Hoos aad ku aragtaan waa qayb yar oo ka mid ah qaniimooyin aad u badan oo Allaah gacanta u galiyay Mujaahidiinta, inta aan la sawirin ayaana ka badan inta la sawiray.

 

Tusaale ahaan bilihii u dambeeyay kaliya waxa wilaayada shabeelaha Hoose laga helay 11 baabuur oo tikniko ah oo nooc dhexe iyo baabuur waayn isugu jira, waxa ku jira 4 baabuur oo casri ah oo Maraykanku soo siiyay Alfa Guruub, Baabuurta waxa dheer hub nooc kasta oo xerooyinka qaar si dhamaystiran loola wareegay oo raashinkii iyo dawadii ciidanku ay ku jiraan, sida xerada Yaaqbari waynehubka-shabaab-3 hubka-shabaab-2 hubka-shabaab-1 hubka-33 hubka-shabaab-4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here