Daawo: Waxgarad Maamulka Jaamacadda Camuud Ku Eedeeyay Xadhig Sharci Darro Ah iyo Jawaabta Jaamacadda

0
660

Hargeysa(Halsan): -Waxgarad ka soo jeeda degaanka Dila ee gobolka Awdal ayaa sheegay in Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Shide sifo sharci darro ah ugu xidhan yahay guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee Boorama prof Saleebaan Axmed Guuleed.

 

Waxgaradkan oo shir jaraa’id ku qabtay hotelka Hadhwanaag ee Hargeysa waxay sheegeen in haddii uu sidaasi u sii xidhnaado Cabdiraxmaan Shide ay talaabo qaadi doonaan. Waxay xukumadda ugu baaqeen inay talaabo ka qaado sidii uu caddaalad u heli lahaa islamarkaana looga soo dayn lahaa xabsiga.

https://youtu.be/sxep9GQ19mo