Daawo: Waxgarad Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir Ee Khilaafka Ucid

0
645

Hargeysa(Halsan): -Odayaal iyo waxgarad ka mid ahaa guddida xallinta u raadinaysay khilaafka Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, kana soo jeeda degaannada koonfurta Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa sheegay inay xaal ka bixinayaan hadalkii Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Shalay ku sheegay inay faraha kala baxeen xallinta khilaafka labadaasi Masuul, sidoo kalena uu Jamaal ugu baaqay inuu iskaga tago xisbiga Ucid oo uu shakhsi yeeshay.

Odayaasha iyo waxgaradkan saxaafadda la hadlay oo uu guddoomiye u ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in arrintaasi Suldaanka ku koobnayd islamarkaana aanay la ogayn. Waxay sheegeen inay Jamaal iyo Faysal ka raali galinayaan hadalkaasi oo ay meel kadhac ku tilmaameen.

Waxyar uun ka dib markii shalay Suldaanku hadalkiisa bayaamiyay waxaa soo baxay qoraal uu soo saaray xildhibaan Qabille oo ka tirsan Ucid, kaas oo sheegay in xallintu socon wayday islamarkaana khilaafka Ucid lagala calaf qaadi doono maxakamadda sare, islamarkaana dhakhso dacwadda arrimaha la isku hayo loo horgeyn doono maxakamadda

https://youtu.be/LQpQX_0pCuE