Daawo : "Shirkadda Apple iyo FBI-dda Maraykanka oo dacwad adag u gudbistay Maxkamad ku taal

0
716

Hay’adda Baaritaanada dalka Maraykanka ee FBI ayaa waxaa ay ku guuldareysatay codsigii ay u jeedisay shirkadda Apple,taasi oo ka danbaysay in shirkadda ay taleefanadda Iphone-ka ay ku dhiseyn barnaamij heerkiisu aad u sareeyo oo lagu magacaabo OS.

FBI-dda ayaa doonaysa in loo furo taleefan uu leeyahay ninkii dilka ka geystay San Bernardino kaasi oo lagu magacaabo Sayid Faaruuq, hadaba talaabada diidmadda shirkadda Apple ayaa aad looga soo dhaweeyay dalka Maraykanka iyo guud ahaan dunidda oo idil.

Dhanka kale FBI-dda ayaa cabsi xoogan ka qabta hadii ay isku dayaan in ay xoog ku furan telkaasi in barnaamijyadii ku jiray ka masaxmayaan guud ahaanba.
Qabiirka ku taqasusay arimaha amniga ee Internet-ka John MCAfee ayaa sheegay in ay dhici karto in FBI-dda ay adeegsadaan wadooyin kale iyada oo aan Apple wax caawimaad ah la waydiisan.

Shirkadda Apple iyo FBI ayaa dacwadooda hada la horkeenay maxkamad ku taal dalkaasi iyadoo uu horay ugu hadlay madaxweynaha dalkaasi Maraykanka Brack Obama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here