Daawo Sawirro Cusub: Muuqaalka Hotelka Dayah iyo goobihii shalay ay saameeyeen Qaraxyadii Muqdisho ee Dalka Somaliya

0
613

Daawo Sawirro Cusub: Muuqaalka Hotelka Dayah iyo goobihii shalay ay saameeyeen Qaraxyadii Muqdisho ee Dalka Somaliya

Waxaa shalay Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho lagu qaaday weerar xoogan oo isugu jira qaraxyo ismiidaamin iyo weerar toos ah, waxaana weerarkan marka laga reebo qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ka dhashay bur bur aad u xoogan.

Qaraxyadii lagu weeraray Hotelka Dayah waxaa ka dhashay raadad aad u naxtin badan, waxaana bur buray inta nadan dhismayaashii ku yaalay agagaarka Hotelka Dayah gaar ahaan dhismayaasha kasoo horjeeda iyo kuwa ku dhinac yaalay.

Goobo badan oo ganacsi ayaa bur bur aad u xoogan uu soo gaaray, waxaana maanta la bilaabay in laamiga iyo dhismayaasha bur buray laga qaado dhagxaanta iyo gawaaridii ku gubatay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.