Daawo Sawirada'' Haweeneyda dunida ugu heysatay Nashqada dhismooyinka casriga oo geeriyootay

0
595

Waxaa geeriyootay Dame Zaha Mohammad Hadid oo aheyd Haweeney Muslimad u dhalatay dalka Ciraaq kadib markii uu kusoo booday wadna xanuun.

Dame Zaha ayaa la sheegaa inay aheyd shaqsiga kaliya ee dunida u haysatay naqshaddeynta iyo injineeriyadda dhismaha casriga waxa uuna dalabkeedu ahaa mid ku faafsan dunida oo idil.

Dame Zaha, ayaa bishiiba gali jirtay inkabadan 20 safar oo ay ugu kala gooshi jiraty Caalamka si ay uga qeybqaadato dhismooyinka casriga ah ee caalamka kusoo kordhaaya.

Dame Zaha ayaa aheyd 65 sano waxa ayna baryahaani danbe aheyd mid ka caban jirtay xanuunka wadnaha iyada oo ugu danbeyntii u geeriyootay.

Zaha Hadid ayaa si kedis ah ugu soo booday wadno xannuun, waxayna ku geeriyooday Miami hospital, horaantii todobaadkaan.

Marxuumadaani kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa waxay naqshadeysay dhismooyin caan ah oo dunida ka tilmaaman, sida garoonka ciyaaraha fudud ee London ee lagu qabtay ciyaarihii Olympic 2012 iyo dhismooyin kale oo caalami ah oo ku yaal guud ahaan dunida.

dame4 dame3 dame2 dame7 dame5