Daawo: Nuxurka Weedhihii Shirguddoonka Ee Fadhigii Ay Isku Laab-xaadheen

0
671

Hargeysa(Halsan): – Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo kuxigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa maanta ka heshiiyay dagaalkii feedh-feedhka ahaa ee hore u dhexmaray.

Fadhigii golaha ee maanta ayaa labada guddoomiye isku laabxaadheen islamarkaana golaha hortiisa ka muujiyeen siday arrintaasi isaga saamaxeen.

Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa Baashe ayaa bulshada Somaliland ka raaligaliyay dhacdadii sababtay inay is feedhaan, waxaanay golaha waydiisteen in arrintaasi laga cafiyo.

Labada guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhexdhexaadisay, balse waxaa wali taagan khilaafkii haamaha ee labada masuul isku gacan saareen, kaas oo la filayo inuu mar kale mooshinkiisu golaha ka sii socdo, inkasta oo fasax laba bilood ah goluhu galay.

Guddoomiyaha wakiillada oo fadhiga maanta hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn yidhi “Markii aanu aragnay dareenka mudaneyaasha golaha wakiillada, ee dhacdadii 12-kii September oo ahaa inay aad uga xun yihiin, markaanu aragnay dareenka shacabka na soo doortay ee isla dhacdadaas, markaanu garowsannay inaanu nahay masuuliyiin qaranka xilal u haya, waxaanu go’aansanay in aniga iyo guddoomiye xigeenka koowaad mudane Baashe Maxamed Faarax aanu dhacdadii halkan ka dhacday ka heshiinno oo iska saamaxno, goluhuna isa saamaxo, shacabka iyo golahana aanu raali galin ka siinno. Markaa waxaanu jecelahay inaanu hortiina isku gacan qaadno,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiye xigeen Baashe Maxamed Faarax oo isna ka hadlay fadhiga golaha ayaa yidhi “Wixii cishadii dhawayd halkan ka dhacay siday doonto ha noqoto eh, waxaanu isla garanay inaanu raali galin ka siinno xildhibaannada golaha wakiillada ee aanu shirguddoonka u ahayn. Xildhibaannada waa laga filan karaa laakiin, shirguddoonka waa markii u horaysay, dadkuna waa bani’aadam oo waa is qabtaa laakiin, waxaa ka fiican in laga heshiiyo, shacbiga Somaliland eenu xilka u haynana raaligalin ayaanu siinaynaa,” ayuu yidhi Mudane Baashe.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka soo xidhay guddoomiye xigeenka saddexaad Dr Cali  Yuusuf “Marka hore Illaahay ayaa mahadleh, mar labaadna waxaa mahadsan Guddoomiye Cirro iyo guddoomiye xigeenka koowaad Baashe oo inoo fududeeyay oo iyagu dhexdooda ka heshiiyay, waad garanaysaan dhacdadii 12-kii September sidii goluhu uga xumaaday,” ayuu yidhi Dr Cali.