Daawo: Magaalada Boorama Oo Uu Kulan Uga Furmay Golaha Deggaanka iyo Dardaaranka Badhasaab Ramaax

0
648

Boorama(Halsan): – Kalfadhi Kooramkiisu dirqi ku furmay ayaa maanta golaha degaanka ee degmada Boorama uga furmay xarunta dawladda hoose ee Boorama.  Waxaa kalfadhiga ka soo qayb galay 8 xildhibaan oo ka mid ah 21 mudane ee degmada. Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa maamulka degmada iyo badhasaabka Awdal Mr Ramaax.

 

Maayarka Boorama,  Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa sheegay in kulankaasi lagu falanqayn doono qaybo ka mid ah baahiyaha degmada iyo dawladda hoose oo ay ka mid yihiin: Isku shaandhaynta guddi hoosaadyada, Ururinta cashuurta iyo horumarinta dakhliga, fayo dhawrka magaalada, arrimaha Shaqaalaha dawladda hoose, tiro koobka guryaha iyo dhulka banaan iyo miisaaniyadda dawladda hoose.

 

Badhasaabka Awdal Mudane Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa kulanka ka sheegay inay haboonayd in kulankani hore u qabsoomi si baahiya bulshada wax looga qabto. Wuxuu kula dardaarmay mudaneyaasha inaan laga maqnaan kulamada balse laga qayb qaato fadhiyada arrimaha bulshada lagu horumarinayo.