SAWIRO :Madaxweyne Obama Oo Ka Qayb Galay Shirka Caalamiya oo kusaabsan Hal abuurka Ganacsiga Adduunka.

0
862

Summit Summit1 Summit2 Summit3 Summit5 Summit5 (1) Summit6 Summit7 Summit8 Summit9 Summit91 Summit92 Summit93 Summit94 Summit95 Summit96 Summit97 Summit98Nairobi(Halsan):- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mr Barack Hussein Obama oo booqasho ku joogga dalka Kenya, ayaa maanta shir ganacsi oo loogu magac-daray 6thGlobal Entrepreneurship  ka furay Magaalada Nairobi Ee Xarunta Wadanka Kenya.

Shirkan oo ka furmay Xarunta Qaramada Midoobe Ee Magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socday illaa 120 dal, sida uu madasha shirka ka sheegay Madaxweynaha Mareykanka.

 

“Afrika horay ayay u socotaa, dadka ayaa saboolnimada ka baxaaya, mishaarka ayaa kordhaya, dadka xirfada ku shaqeeya ee mishaarkooda fiican yahay ayaa kordhay.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Mareykanka.

 

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in Qaaradda Afrika ay noqon doonto xudunta dhaqaalaha caalamka, hogaankana ay u qaban doonto dhaqaalaha dunida, isagoo ammaanay kororka xoogga leh ee dhaqaalaha Afrika uu samaynaayo.

 

Inkastoo uu qiray horumar ballaaran in Kenya samaysay, ayuu hadana Xukuumadda Nairobi uu kula dardaarmay inay hubiso musuq maasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira, sidii lagu soo afjari lahaa.

Madaxweyne Obama, ayaa saacadaha soo socda waxa uu Madaxtooyada Nairobi uu wadahadal kula lee yahay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.