Daawo: Hargeysa, Hoggaanka Waddani Oon U Kala Hadhin Soo Dhawaynta Siyaasiyiin iyo Taageerayaal Reer Axmed Dhagax Ah

0
682

Hargeysa(Halsan):-  Hogaanka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaan u kala hadhin munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynayay siyaasiyiin ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa. Siyaasiyiinta lagu qaabilay munaasibad ka dhacday hotelka Ambasador ayaa kala ah  siyaasiga ruug caddaaga ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo wasiirkii hore ee caafimaadka xukumaddii Riyaale Cabdi Haybe iyo taageerayaal kale.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, kuxigeenkiisa Axmed Muumin Seed, musharaxiin kale oo hoggaanka Waddani u taagan, xildhibaannada iyo haldoorka xisbiga Waddani, tageerayaasha Waddani iyo taageerayaasha xisbiga ku soo biiray ayaa munaasibadda ka soo qayb galay.

https://youtu.be/Myf7P3E4aIA

7-17-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here